4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia iyo ruux hubeysan oo Maanta lagu dilay Isogyska Fagax ee Muqdisho

Axad, July 07, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia iyo nin hubeysan oo la sheegay inuu geystay dilka askariga ayaa lagu dilay maanta isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dilka ninka hubeysan ayaa waxaa fuliyay ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaas gaaray kaddib markii uu ninkaas dilay askariga ka tirsan ciidamada dowladda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninka hubeysan oo watay bastoolado uu ku dilay bartamaha isgoyskaas askariga geeriyooday, isagoo markaas kaddib isku dayay inuu baxsado, balse ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta gaaray ay u suurogashay inay toogtaan ninkaas.

“Ninka hubeysan wuxuu dhowr xabbadood ku dhuftay askariga, isagoo isku dayay inuu baxsado, balse ciidammo kale oo kuwa dowladda ka tirsan ayaa isna isla goobtaas ku dilay,” ayuu yiri Nuur Macow oo ka tirsan dadkii goobta ku sugnaa markii ay labada dil dhacayeen.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxa la dilay uu ka mid ahaa Al-shabaab ayna ku guuleysteen inay isna goobta lagu toogto, iyadoo madaxda dowladda ay horay u sheegeen in ruuxii fal noocan oo kale ah ka geysta caasimadda isla goobta uu dilka ka geystay lagu toogan doono.

Al-shabaab oo falal ammaan-darro ka geysata gudaha Muqdisho ayaan weli ka hadlin dilka ninka la sheegay inuu ka tisranaa dagaalyahannadooda ee dilka u geystay askariga ciidamada dowaldda ka tirsan isagiinta isla goobta lagu toogtay.

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay goobaha inta badan ay xoogagga taabacsan Al-shabaab ka geystaan falalka noocan oo kale ah oo loo geysto ciidamada dowladda iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Falkan ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka isgoyskaas, iyadoo markii dambe ay xaaladdu caadi kusoo laabatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya