4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Khilaafka u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya oo sii xoogeystay Maxayse ka dhaheen arrintan Wargeysyada Kenya?
Newspaper stand in Kenya
Sabti, July 06, 2013 (HOL) - Inkastoo xukuumadda Kenya aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xumaanshaha xiriirka diblamaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddana wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya aad looga dareemayaa halka uu gaaray xiriirka labada dal.

Waxayna wargeysyada ugu afka dheer ee dalka Kenya ay qoreen qoraallo qaarkood ay kaga dalbanayaan xukuumada inay dib uga fiirsato siyaasadaheeda ku aadan nabad ka dhalinta Soomaaliya.

Wargeyska aadka loo akhristo ee "THE STANDARD" ayaa qoray maqaallo kala duwan oo uu kaga hadlayo xiisada diblamaasiyadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya taasoo sii xoogaysatay markii xukuumada Soomaaliya ay si rasmi warqad ay ku dacwaynayso Kenya ugu qortay midowga Afrika iyadoo lagu eedeeyay Kenya inay dhinac ka tahay dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo inay xirtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

waa kan mid kamid ah maqaallada maanta lagu daabacay:

http://www.standardmedia.co.ke/?articleID=2000087663&story_title=Kenya-state-should-re-think-somalia-peace-efforts

Wargeyska ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay "State should re-think Somalia peace efforts" oo macnaheedu yahay dawladu waa inay dib uga fakertaa dadaallada nabadeed ee ay ka wado Soomaaliya.

Wuxuuna faahfaahinta xiisada ku macneeyay in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay taageeraysay maleeshiyo isugu jirtay Alshabaab iyo taageerayaasha qabqable dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku fasiray xurguftaan inay salka ku hayso Soomaalida oo wali isu haysata beel beel uuna ka dhaxeeyo khilaafaad qabali ah iyadoo xataa si toos ah loo magacaabayo qabaa'ilka Soomaalida.

"
Let us not forget the political missteps made so far. One of the strongest criticisms of the Jubaland project was that it was seen as dominated by members of the Ogaden clan. In the final years of the Siad Barre regime, the Ogaden and Marehan controlled the region, but many Harti, Darod, Hawiye, Dir and Rahanweyn have since moved there."

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in mid kamid ah qabaa'ilka Soomaalida ay u badanyihiin Alshabaab sidaa darteedna ay arrintaasi keenayso inuu sii xoogaysto tartanka loogu jiro gacan ku haynta Kismaayo.

"
Al-Shabaab members are predominantly from the Hawiye clan.) Today, Hawiye Darod tensions are at play in the battle for the control of Kismayu. In Ethiopia the Meles Zenawi administration was particularly concerned an Ogaden-dominated semi-autonomous state, with a large port, that could support the Ogaden National Liberation Front, which is fighting a secessionist war in Ethiopia."

Wargeyska "The Daily Nation" ayaa isaguna soo daabacay farriin kaga timid mid kamid ah akhristayaashooda oo ku baaqay in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya si ay wax uga qabtaan ammaanka dalka.

"Tan iyo markii ay ciidankeenu galeen Soomaaliya waxaa xumaaday ammaanka gudaha ee waddanka gaar ahaanna magaalada Gaarisa, waxkastaba haku qaadatee ciidamada KDF waa inay soo afjaraan arrinkan" ayuu yiri DAVE MUNGAI.

http://www.nation.co.ke/oped/Letters/Bring-Kenyan-forces-back--to-return-to-restore-security/-/440806/1906202/-/d56drkz/-/index.html

Xiisada siyaasadeed ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya wali hadal rasmi ah kama ayan soo saarin wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, balse waxaa jira warar hoose oo iyaguna sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la isugu soo dhawaynayo maamulka Jubbaland iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya, taasoo hadii ay dhacdo keenaysa inuu soo afjarmo khilaafka u dhexeeya labada dal.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya