4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jebisay afar jaamacadood oo dalka Shiinaha ku yaalla

Jimco, July 5, 2013(HOL)—Waxaa lagu qabtay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha xaflad ballaaran oo lagu maamusayay arday ka qalinjebisay afar Jaamacadood oo  ku yaal  Magaaladaas, taasoo ahayd tii ugu badneyd arday mar kaliyah ka qalin jabisay jaamacadaha waddanka Shiinaha. Ardayda qalin-jebisay ayay tiradoodu ahayd 78 arday oo kala ahaa 59 Dhakhtar, 18 Injineer iyo Arday bartay luuqadda Shiinaha.

Xafladdan oo si aad u sarreysa loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay  wafdi ka socday Safaaradda  Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Ambassador Yuusuf Xasan Ibrahim (Yuusuf Dheeg),Qunsulka(consular)  Cawaale Cali Kulane iyo Wakiilka Safaraadda ee Arimaha Ganacsiga( Commercial Attaché) Saciid Jaamac Mire, Waalidiinta Ardayda  iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa  qudbado dhaadheer habeenkaasi ka jeediyay Safiirka Soomaalida Yuusuf  Xasan (Yuusuf Dheeg) oo aad ugu  mahad celiyay dhammaan ardaydii ka qalinjebisay isla markaana ugu baaqay in  waddankeennu  u baahanyahay aqoon yahanno faro badan khaasatan dhinacyada Caafimaadka  iyo Dhismaha Qaranka. wuxuu kaaloo Safiirka uu ka hadlay Xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ay  leeyiih labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

 Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay  Dhammaan Wakiillada Safaaradda,Waalidiinta iyo Ganacsatada  waxay  kula dardaameen  Ardaydii Qalin-Jabisay in ay noqdaan kuwii Dalkooda iyo Diintooda Anfaca.

Ugu dambeyntii waxay Safaarada Soomaalida guddoonsiisay Ardaydii  qalinjabisay Shahaadooyin , Xafladdaasina waxaa lagu soo gabagabeeyay heesta caanka ah ee  Soomaaliyeey tooso.


Xafiiska Warqabadka HOL