4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo lagu ammaanay Is-beddelka uu ka sameeyay Ammaanka iyo dib u Habeynta Ciidamada


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn loogu amaanay isbadalka uu ka sameeyay amniga magaalada  iyo dib u habeynta  ciidamada kadib booqasho maalintii shalay ay ku tageen magaalada Baladweyne saraakiil ka tirsan booliiska AMISOM.

Kulan ay wada qaateen saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan iyo wafdiga AMISOM ayaa looga wada hadllay sida loo sii hormarin lahaa dhismaha ciidamada booliiska gobolka iyo tayeeyntooda, iyaga oo balan-qaaday in tababaro dheeraad ah la siin doono ciidamada.

Taliyaha qeybta booliiska maamulka gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ay isku afgarteen saraakiisha AMISOM sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada, loona siin lahaa qalab ku filan oo ay ku howlgalaan iyo in ciidamo ka tirsan booliiska AMISOM la geeyo magaalada Baladweyne si markaa ay qeyb uga noqdaan howlgalada amniga lagu sugayo.

'Wax-yaabihiii aan isla soo qaadnay oo dhan waa isku afgaranay, waxaana ay inoo sheegeen in ay siweyn ula dhacsan yihiin heerka ay gaarsiisan yihiin ciidamada booliiska gobolka iyaga oo aan waliba helin tababar ku filan,'' ayuu yiri Col Isaaq Cali C/dulle.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay dhinacooda in ay siweyn ugu amaanayaan mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen sugida amniga iyo dib u habeynta ciidamada, iyaga oo intaa ku darran in ay gacan ku siin doonaan sidii loo sii hormarin lahaa guulaha laga gaaray wax ka qabashada nabad-galyada.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa u muuqda kuwo xoogga saaray sidii salka loogu dhigi lahaa amniga, iyaga oo ku howlan tababaro is daba joog ah oo la siinayo ciidamada militariga iyo kuwa booliiska, waana tan keentay in lagu amaano maamulka sida uu isaga xil saaray wax ka qabashada nabad-galyada.

Wafdiga ka socday booliska AMISOM ee booqday magaalada Baladweyne ayaa balan-qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-gali doonaan si hormarinta tayada iyo aqoonta ciidamada booliska maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya