4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Hay’adda WHO sheegtay in Dagaalladii Kismaayo ka dhacay ay ku dhinteen 71-qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen

Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dagaalladii ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen 71-qof ayna ku dhaawacmeen 300 oo qof oo kale, kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen shacabkii magaaladaas ku noolaa.

Dagaalladii ka dhacay Kismaayo oo u dhexeeyay hoggaamiyeyaal awood ku dagaalan ah ayaa waxaa sidoo kale ay barakiciyeen boqolaal qof oo kale, iyadoo WHO ay sheegtay in dagaalladaas ay kaga tageen Kismaayo xaalad dhinaca bani’aadamnimada ah.

“Magaalada Kismaayo kama jiraan hay’ado dhinaca bani’aadamnimada ka shaqeeya, adeegyadii lagu caawin lahaa dadka dhibaataadu ku dhacdayna meesha way ka maqan yihiin,” ayay WHO ku sheegtay warbixinteeda.

Sidoo kale, hay’adda WHO waxay sheegtay in dhaawacyada ay inta badan qabaan dhaawacyo jab ah iyo kuwo ka gaaray madaxa iyo laabta, 40 ka mid ahna loo sameeyay daweyn caafimaad.

Kismaayo ayaa waxaa labadii bilood ee ugu dambeeyay ka taagnaa xiisado u dhexeeya hoggaamiyeyaal isku haysta maamulka Jubbaland oo degmadaas looga dhawaaqay, iyadoo dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay oo shan qof ah uu mid walba si gaar ah u sheeganayo inuu yahay madaxweynaha loo doortay Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya u dirtay ururka Midowga Afrika, waxaana ciidamadan oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay ku eedeysay inay sabab u ahaayeen dagaalkii Kismaayo ayna la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.

Warqadda ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen dagaaalladii Kismaayo 55 qof, ayna ku dhaawacmeen 155 qof oo kale, taasoo aad uga yar tirada ay shaacisay hay’adda caafimaadka WHO.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dalbanaya in ciidamada Kenya laga bedelo aagga ay hadda ku sugan yihiin ee Koonfurta Soomaaliya laguna bedelo ciidammo kale oo ka mid ah kuwa qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Inkastoo dowladda Kenya ay iska fogeysay eedda kaga timid dowladda Soomaaliya.

Kismaayo oo ah xaurnta gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday dhammaadkii sannadkii 2011, kaddib markii ay degmadaas gacanta ku haysay kooxdan muddo shan sannadood ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya