4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Dagaal Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ow-diinle oo ku dhow degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa socday muddo saacad ka badan, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwani, iyadoo ay goobihii lagu dagaalamay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kaddib markii ciidamada dowladda ee saldhigga ku leh deegaanka Ow-diinle ay ku jireen howlgallo ay kaga hortagayaan weerarro qorsheysan oo ay Al-shabaab doonaysay inay saldhigyadaas ku qaaddo.

“Ciidamada dowladda oo howlgal ku jira ayaa waxay iska horyimaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab waxaan halkaas ka dhacay dagaal culus oo socday muddo saacad ka badan, dhankeenna khasaare ayaa jirta,” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan Ow-diinle.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamada dowladdu ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, kuwii Al-shabaabna ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore kazoo duuleen.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa isaguna sheegay in dagaal ay xalay kula galeen duleedka Baydhabo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayna halkaas ku dileen tiro askar ah, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Goobjoogayaal ku suagn deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in saaka ay arkeen maydadka saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, balse ma sheegin ciidamada ay ka tirsanaayeen, maadaama labada dhinacba ay wateen tuutayaal.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ay ku dagaalamaan deegaanno ku dhow degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana toddobaadkii hore dagaal culus oo khasaare geystay uu ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray goob u dhexeysa degmooyinka Baydhabo iyo Qansax-dheere.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya