4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo Damaanad ku sii daysay Mas'uuliyiin ka tirsan Wargeyska Hubaal ee Shalay la xukumay

Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa damaanad ku siidaayey masuuliyiin ka tirsanaa wargeyska HUBAAL oo shalay xukun xadhig ahi lagu riday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Cabdirashiid Duraan ayaa saxaafadda Madaxa banaan ka aqbalay in Damaanad lagu sii daayo labada Wariye, inta ay Maxkamaddu galayso Dacwada Rafcaanka ah ee ay ka qaateen xukunkii shalay.

Tifaftiraha wargeyska HUBAAL Xasan Keefkeef oo markii la siidayey HOL uga waramayey qaabka loo siidaayey, ayaa sheegay in wada hadal dhexmaray xukuumadda iyo wariyeyaasha la isla gartay in damaanad lagu siidaayo.

“Waxaa wad-hadal dheer dhexmaray warbaahinta iyo xukuumadda, waxaana laga wada hadlay in damaanad lanagu siidaayo, isla markaana anagoo dibadda joogna uu racfaankii aanu xukunka ka qaadanay la sii waddo, taasna waxa aqbalay gudoomiyaha racfaanka sidaas ayaanu ku soo baxnay”ayuu yidhi tifaftiraha wargeyska hubaal Xasan Keefkeef.

Tifaftiruhu waxa kale oo uu sheegay in aan wargeyskii wali laga qaadin xayiraadii balse iyaguna uun damaanad lagu siidaayey, haseyeeshe arrintan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Xukuumadda, garsoorka iyo madaxda warbaahinta, ay isla af-gartay in damaanad lagu siidaayo.

Si kastaba ha haaatee, madaxda xarumaha warbaahinta iyo wariyeyaasha oo shalay kulan degdeg ah iskugu yimid ayaa soo jeediyey in shaqo joojin ay sameeyaan dhamaan warbaahinta madaxa banaan, isla markaana mudaharaad salmi ah ay sameeyaan warbaahinta.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland