4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Guddoomiyihii Maxkamadda Cadaaladda ee Dalka Masar oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka Madaxweynimo ee dalkaas

Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Cadli Maxamed Mansuur ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynimo ee dalkaas, kaddib markii xilka laga tuuray Arbacadii shalay madaxweynihii hore ee lasoo doortay Maxamed Mursi.

Go’aanka xilka looga tuuray madaxweynihii hore ayaa waxaa qaatay taliyaha guud ee ciidamada milateriga dalkaas, iyadoo lagu sifeeyay arrintan mid ay ku inqilaabeen madaxweyne si dimuqraadiyad ah loosoo doortay.

Cadli Mansuur ayaa xilka dalkaas u haynaya si KMG ah, waxaana uu horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Masar, waxaana la sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad farsamo, iyadoo dastuurka dalkaas dib loogu noqdo si doorasho ay dalkaas uga dhacdo.

Howlaha horyaalla madaxweynaha cusub ayaa lagu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loosoo dooran doono baarlamaan cusub, wuxuuna sidoo kale bixin doonaa amarrada dalka Masar laga fulinayo.

Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Mursi iyo xubno ka tirsan maamulkiisa xabsiga loo taxaabay, iyadoo ay arrintan ay ka hadleen dowlado badan oo Carbeed.

Dalka Sucuudi Carabiya oo ah saaxiib si weyn ugu dhawaa dalka Masar ayaa ku tilmaamay tallaabada sheegay in tallaabadan tahay ay mid habboon si loo badbaadiyo dhiigga shacabka Masar.

Sidoo kale, waxaa arrintan ka hadlay dalalka Suuriya iyo Jordan oo arrintan soo dhaweeyay ku tilmaamay mid lagu badbaadinayo dalka Masar iyo dadka oo ka cabanayaya howlaha xukuumadda Mursi oo ay taageeraan ururka Akhwanul Muslimiin.

Dalka Masar ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo ay ka dhigayaan kooxo taageersan mucaaradka barxadda weyn ee Taxriir oo ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya