4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Booqday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda oo ah ilaha ugu waaweyn ee uu dhaqaaluhu kasoo galo dowladda Soomaaliya.

Mudane Saacid iyo wasiirada ayaa markii ay booqdeen goobahaan wacxay u kuurgaleen sida ay howluhu u socdaan, waxayna warbixinno ka dhageysteen mas’uuliyiinta garoonka iyo dekedda Muqdisho. Waxayna dhanka kale kaga warbixiyeen baahiyaha ay qabaan in goobaha la casriyeeyo.

Intii ay booqashadu socotay, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada la socday ayaa waxay indho-indheyn ku sameeyeen qaybaha ay ka kooban tahay dekedda iyo maraakiibta ku xiran halkaas, halkaasoo ay howlo ka wadeen qalab cusub oo loogu talogalay dejinta konteennarada waaweyn.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay dowladdu xil weyn iska saarayso sidii ay u horumarin lahayd dekedda,iyo sidii shaqadeeda loo sii xoojin lahaa, isla markaana loo heli lahaa dekeddo kale si dhoofku u kobco.

"Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suuro-galino in hawlaha dekeddu si weyn u kobcaan. Waan casriyaynaynaa dekadda hawl ahaan iyo weliba qaab ahaan," ayuu yiri ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirradiisu waxay kormeer ku sameeyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo indho-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee garonka oo ay ka mid yihiin qaybta dulista iyo saadasha hawada iyo waliba qaybta maaliyadda.

Mudaddii ay ku gudo-jireen kormeerka garoonka dayuuradaha waxay sidoo kale dhagaysteen warbixino la xariira shaqada iyo hawlaha kala duwan ee uu garoonku u qabto bulshada Soomaaliyeed.

Ra'iisal wasaare Saacid ayaa booqashadiisan ku tilmaamay mid lagu dar-dar-galinayo habsami u socodka hawlaha illaha ugu waaweyn ee dowalddu ay ka hesho dhaqaalaha. Wuxuuna hawl-wadeennada garoonka iyo dekedda kula dar-daarmay inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saran, isagoo xusay in dowladdu si buuxda ulla socoto shaqada ka socota labada goobood.

"Waa muhiim in aad mas’uuliyad dheeri ah aad isi saartaan isla markaana aad ka dhowrsataan wax kasta oo curyaamin kara holaha Qaran ee aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed," ayuu ra'iisal wasaaruhu shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii labada goobood kula dardaarmay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya