4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Xildhibaanno Kasoo Jeeda Gobolada Jubooyinka oo Dagaaladii Kismanyo ku Eedeeyey Ciidamada Kenya



Arbaco, July 03, 2013(HOL) :- Mudnayaasha baarlamaanka federaalka Soomaliya ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa booqday dhaawacyadii  ciidamada dowlada  Soomaaliya iyo  dad rayid ah oo kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaasoo lasoo dhigay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/laahi Nuur  Jaamac oo ka hadlay goobta dhaawaca la keenay ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan magaalada kismaayo isagoon sheegay in ay dhinacyadii ku
dagaalamay magaalada kismaayo ay dhinac la safteen, waa siduu hadalka u dhigaye wuxuuna  tilmaamay in ay gaysteen xasuuq ba,an.

Sidoo kale xildhibaan  C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo kamid  ah xildhibanadii soo booqday dhaawacyada ayaa dhankiisa sheegay in ay aad uga xun yihiin  dhaawacyada soo gaaray shacabka islamarkaana ugu baaqay in hogaanka sare ee dowladda ay go,aan ka qaataan arintan ka dhacday magaalada Kismaayo.

Dagaallo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ciidamo taabacsan maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamo uu horkacayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo garab ka helayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Kismaayo ayaa sababay dhimashada in ka badan 60 qof iyo dhaawaca kudhawaad 80 qof kuwaasoo isugu jiray dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho-Soomaaliya.