3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Dayactir laga billaabay waddooyin isku xirka Degmada Baladweyne iyo qaar ka mid ah Deegaannada ku dhow-dhow (SAWIRRO)


Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo kashanaya qaar ka mid ah guddiyada xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa bilaaway dib u dayactir lagu sameynayo jidadka muhiim u ah isku xirka magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay dhibaato ku qabeen gadiidleyda iyo dadka kale ee isticmaala.

Wadada dib u dayactirka laga bilaabay maanta oo lagu magacaabo ''Hilo-kilyo'' ayaa ah wad0 muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka oo bur bur xoog leh uu ka muuqday, tasoo keentay in ay isticmaali waayaan gadiidka isaga kala goosha magaalada iyo deegaannada kale iyaga oo ka cabsi qaba in wax yeelo ka soo gaarto.

Waxaa dib u habeyn lagu wado masaafo dhan 3 Kiilo mitir, waxaana dhaqaallaha ku baxayo la sheegay in ay iska soo ururiyeen guddi gaar ah oo u istaagay howshan dhismaha ama dayactirka jidadka iyaga oo kaashanaya ururka hormarinta  midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Xaaji Cujub Khaliif oo ka mid ah waxgaradka arintan u istaagay ayaa u sheegay HOL in guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne looga baahan yahay in ay u istaagaan dhismaha goobaha danta guud, isaga oo intaa raaciyay in waxba ku hagaagi karin ku tiirsanaanta gacmo shisheeye.

“Hadda wadadan aad arkeysaan bur bur xoog leh ayaa ku dhacay, waa jid muhiim u ah  magaalada, haddii aysan bulshada u istaagin yaa dhisaya, yaase ku faa'iidaya haddii la dhiso, marka anniga waxaan is leeyahay cid ay faa'iidada u leedahay haddii ay wadan hagaagto waa cid laga rabo in ay dhisto,''' ayuu yiri Xaaji Cujub Khaliif.



Maxamed C/llaahi Buurale Raaxeeye oo madax ka ah ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo goob joog u ahaa dhismaha wadada ayaa sheegay in mudo dheer ay ku howlanayeen sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen jidadka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gadiidka ee magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in talaabada ay hadda qaadeen tahay bilow fiican.

“Dhaqaale xoog leh ayaa ku baxaya, laakiin dhaqaalaha mar walba waxaa ka muhiimsan in la gaaro yoolka la hiigsanayo, annaga ujeedada aan arinta ka leenahay waa in ugu yaraan bulshadu fahanto in ay iyadu wax qabsan karto, waxaan ku faraxsanahay in mudadii aan howshan wadanay si iskaa wax u qabso ah ay noogala qeyb-qaadanayeen dhalinyarrada oo muuqata kuwo fahmay in ay dalka iyagu leeyihiin dhismihiisa uu iyaga uun sugayo,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buuraale.

Wadada hadda dhismaha lagu bilaabay ayaa sidoo kale waxaa ay biyaha ku soo rogi jireen waqtiyada uu fataho wabiga xaafadaha ku dhaw dhaw oo ka go'doomi jiray magaalada inteeda kale.

Bilihii ugu danbeeyayba ururka midowgga dhalinyarrada gobollka Hiiraan waxaa ay siweyn ugu howlanaayeen dib u dhis iyo dib u dayactir lagu sameynayo goobaha danta guud iyo kuwa taariikhiga ah iyaga oo dhawaan dib u dayartir ku sameeyay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Baladweyne oo mudo 22 sano ah bur bursaneyd, waxaana furitaankii Taalada ka soo qeyb-galay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
7/2/2013 2:37 PM EST
Soomaali lagu qiyaasay kumanaan kun ayaa habaynkii xalay ahaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla xaafada Islii ee Soomaalida ay ka daggantahay magaalada Nairobi.

7/2/2013 12:01 PM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaaladda Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya uuna caafimaad qabo, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu wareejiyay dad ajnabi ah.

7/2/2013 11:07 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo - dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay- ayaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

7/2/2013 10:15 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa maanta kulan ku yeeshay wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (DDSI) oo shalay Garoowe soo gaarey iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.

7/2/2013 8:43 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo kala guddoomay danjiraha cusub ee Britain ay u soo magacowday Soomaaliya, Neil Wigan.

7/2/2013 4:12 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYAO ayaa Muqdisho kula qabtay kulan lagu taageerayay sidii dhallinyarada Somaliland kasoo jeeda ee Muqdisho ku sugan ay fursado shaqo uga heli lahaayeen hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah, iyadoo kulankan lagu soo beegay shalay oo ahayd maalintii xoriyadda Soomaaliya.

7/2/2013 4:02 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/samad Cali Shire ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay kasoo horjeeddo maamulka Jubbaland iyo joogitaanka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

7/2/2013 4:01 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan ka duwan kuwii hore oo soconaya muddo bil ah, kaddib markii uu dhawaan sidaas ka codsaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

7/2/2013 3:59 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Cabdiqaadir Jaamac Saalax ayaa shir lagu qabtay xafiiska ay leeyihiin barakacayaasha gobolka Sool ayaa ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka ee ka hawlgala magaalada inay qayb ka qaataan caawinta dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladaas iyo qaybaha kale ee gobolka.