4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Ururka Isu-tagga Suxufiyiinta Caalamka ee (IFJ) oo Muujiyay Walaaciisa ku aaddan Sharciga cusub ee Saxaafadda Somalia

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Ururka isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ ayaa muujisay walaaca ay ka qabto sharciga saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in sharcigan uu meel kaga dhacayo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

IFJ ayaa sheegtay in sharcigan oo ay golaha wasiirrada Soomaaliya ay meel-mariyeen 11-kii bishan uu khatar weyn ku yahay saxaafadda xorta ah ee ka jirta Soomaaliya, waxayna sheegeen in sharcigan uu xadidayo goobaha ay suxufiyiintu kasoo xigan karaan wararka, uuna kala soocayo suxufiyiinta ajnabiga ah ee howlaha u tagaya Soomaaliya.

“Waxaan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqayaa inay dib u eegis ku sameyso sharciga qabyada ah ee saxaafadda ayna xaqiijiso inuu sharcigan noqdo mid ay ka muuqato xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan,” ayuu yiri Garbriel Baglo oo ah madaxa IFG ee Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Baglo wuxuu sheegay in sharcigan uu yahay mid caqabad ku ah suxufiyiinta isla markaana hor-joogsanaya inay si madaxbannaan u raadsan karaan war ama xogtii ay doonaan.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaan weydiisanaynaa inaysan meel-marin sharcigan oo ah mid caqabad ku ah saxaafadda xorta ah, waxaana ka dalbanaynaa inay iska diidaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Gabriel Baglo.

IFJ waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay ka shaqeyso badbaadada suxufiyiinta, kana hortagto kuwa dilalka u geysanaya, isla markaana ay u ogolaato suxufiyiinta inay howlahooda wataan iyadoo aan la faro-gelinnayn.

“Haddii sharcigan qabyada ah ee saxaafadda uu meel-mariyo baarlamaanka Soomaaliya uuna saxiixo madaxweynaha Soomaaliya, taasi waxay dowladda ku keeni kartaa guul-darro, wuxuuna abuuri karaa xiisado u dhexeeya saxfaafadda xorta ah ee Soomaaliya ka howl-gasha iyo xukuumadda,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Faaruuq wuxuu sheegay in sharcigan haddii baarlamaanku uu meel-mariyo uu hor-istaagayo xorriyada madax-bannaanida saxaafadda Soomaaliya. Iyagoo sheegay inuu yahay mid xadidaya awoodda suxufiga iyo habka ay ku helayaan warbixinnada ay baahinayaan, taasna ay tahay mid keenaysa inay Soomaaliya noqoto dal aanay ka jirin saxaafad madax-bannaan.

Sharciga saxaafadda ee ay xukuumaddu soo gudbisay ayaa la sheegay inuu yahay mid xadidaya awoodda suxufiga Soomaaliyeed iyo warbaahinta dalka ka howlgasha, iyadoo suxufiyiin badan ay baarlamaanka weydiisteen inaan la ansixin sharcigan illaa isbedel lagu sameeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya