4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Sirdoonka dalka Kenya oo Su’aalo Weydiinaya mid ka mid ah Kaaliyayaashii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga
Owalo.jpg
Arbaco, July 17, 2013 (HOL) Sirdoonka waddanka Kenya ayaa u yeeray Eliud Owalo oo ah la taliyihii Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya si su’aalo loo waydiiyo.

Waxaana la sheegay in sirdoonku ay heleen macluumaad ku saabsan inuu qorshaynayay falal lagu waxyeellaynayo jiritaanka dawlada Kenya ee uu hogaamiyo isbahaysiga Jubilee kadib markii doorashadii looga guulaystay musharraxii xisbigiisa ahaana Ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.

Wararka ayaa sheegaya in Owalo wax laga waydiiyay waxa uu ka ogyahay qorshe lagu afgambinayo dawlada haatan jirta.

Isagoo la hadlay warbaahinta dalka Kenya ayuu Owalo sheegay in arrinta loogu yeeray ay tahay in la handado oo la aamusiyo dadka kasoo horjeeda isbahaysiga Jubilee ee haya xukunka waddanka.

Isaga iyo abukaate u doodaya ayaa lagu waraystay xarunta dhexe ee sirdoonka dalka Kenya.

Musharraxii laga guulaystay ee doorashada Kenya Raila Odinga ayaa ka biyo diiday natiijadii doorashada balse waa uu aqbalay go'aankii kasoo maxkamada sare oo meelmariyay natiijada.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya