4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo wax laga Xumaado ku Tilmaamay Shaqooyinkii ka dhacay Degmada Qardho



Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqooyinkii dhawaan magaalada Qardho ku dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxxo hubeysan oo kasoo horjeeday in ay dhacdo doorashada.

Dr. C/weli Gaas oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa  nasiib darro ku tilmaamay shaqaaqooyinkii dhawaaan ka dhacay magaalada Qardho, isagoona sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid aan ku haboonayn in ay xilligan dhacdo.

“Waa nasiib darro koley dhibka dhacay, waxaan is leeyahay waxaasi waa laga hortagi karay oo waa la xakameyn karay, laakiin koley wax qornaa weeyan oo dhacay,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Dr. Gaas ayaa ugu hambalyeeyay madaxweeynaha Puntland tallaabada uu dib ugu dhigay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, wuxuuna intaa ku daray in ay ahayd tallaabo ku haboonayd in la qaado.

Masuulkan ayaa sheegay in xilligan aan la joogin xilligii nidaamka xizbiyada, tasoo uu xusay in ay u baahantahay howl badan, wuxuuna ku taliyay in la dhiso xukuumad KMG ah oo ku shaqeysa qariidad qeexan(Road Map).

Masuulkan ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay wax weliba ka hormariyaan xasiloonida, muhiimadana siiyaan amniga.

14-ka bishan aynu ku jirno ayay ahayd markii magaalada Qardho ay ka dhaceen shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxo hubeeysan oo kasoo horjeeday qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanada Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.