4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Ka qaybqaado dhismaha Masaajidka Bardaha ee Magaalada Baladweyne oo dhismihiisu marayo Heer Billow ah (SAWIRRO)


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Guddiga dhismaha Masjidka Bardaha magaalada Baladweyne ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha Majidka oo sida ay sheegeen lagu guuleystay in la xiro shubka hoose ama aas-aaska.

Guddiga ayaa HOL u sheegay in heerka hadda uu marayo dhismaha masjidka gacan ka geyteen bulshada ku dhaqan gobolka, iyo  shaqsiyaad gaar ah oo soo gaarsiiyay masjidka kaalmo kala duwan, hasse ahaatee waxaa ay sheegeen guddiga in ilaa iyo waqtigan aysan jirin kaalmo intaa dhaafsiineyn oo ay helleen.

“Masjidka dhismihiisa waxaa uu ku socday taageerada bulshada ku dhaqan gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne iyo shaqsiyaad muxsiniin ah oo kaalmo ka geystay dhismaha masjidka, laakiin wixii hadda ka danbeeya waxaa uu u muuqata in uu istaagayo haddii aan loo helin dhaqalle lagu sii wado,'' ayuu HOL  u sheegay C/llaahi Xaaji Dalabey oo ka mid ah guddiga dhismaha masjidka

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa ku baaqay in laga wada qeyb-qaato dhismaha masjidka oo sida uu sheegay ah masjid facweyn oo taariikh ku leh fidinta Diinta Islaam-ka, gaar ahaan waxaa uu baaq u jeediyay guddoomiyaha Jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda gobollka.

"Jaaliyadda gobolka waxaan ugu baaqayaa in ay doorkooda ka qaataan dhismaha masjidka Bardaha oo ah mid taariikh weyn ku leh fidinta diinta Islaam-ka, islamarkaana ay diinta ka raacdeen culimo iyo shaqsiyaad magac weyn ku dhax leh bulshada Soomaalida,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu u mahad celiyay guddoomiyaha guddiga dhismaha masjidka oo isku howlay sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen masaajidka oo ah mid mudo dheer soo dhisnaa una bahnaa in uu dib u dhis lagu sameeeyo.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay masjidka marka laga soo tago in uu ahaa goob cibaado in lagu tilmaami karo Jaamacad ahaan shahaado laheyn, waxaana uu codsaday in dhismaha majidka lagu kordhiyo Maktabad ardayda ku xirney dhigtaan Kitaabada cilmiga oo ay ka raacan jireen masaajidka.

Haddii aad dooneyso in aad ka qeyb-qaadato dhismaha masjidka waxaad isticmaali kartaa Account N0 : Amaana BWN 41516420, Dahabshiil BWYD 000396  iyo Mobil: +252-61-5564075.




C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya