4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
PROF. GAAS: "Madaxweynaha Puntland waxaan ku bogaadinayaa go'aankii geesinimada lahaa ee uu ku joojiyay Doorashooyinka"


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweeyey go'aanka uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ku joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka -oo qorshuhu ahaa in ay shalay ka qabsoomto gobollada Puntland.

C/weli Gaas ayaa ku tilmaamay in tallaabada uu Madaxweyne Faroole qaaday ay tahay mid soo dhoweyn iyo bogaadin mudan, haseyeeshee ay ahayd in hadda kahor la qaado.

“Madaxweyne Faroole waan ku bogadinayaa waanna ugu hanbalyeynayaa go'aankaas geesinimada leh ee uu qaatey... waxan is leeyahay waa go'aan dhankiisa ku cuslaa.." Prof. Gaas ayaa yiri.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in ay mar walba muhiim tahay in laga hortago wax kasta oo dhib keeni kara, si nabadda iyo midnimada loo dhowro. Ra'iisul wasaarihii hore oo arintaas ka hadlayaa wuxuu yiri:

“Waxay ila fiicnaan lahayd go'aankaas in la qaato mar hore iyadoo aysan dhibi dhicin, laakin mar walba shiddada in la xakameeyo dhibtana la yareeyo maslaxadda ayaa ku jirta.."

Labo beri kahor ayey ahad markii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu shaaciyey in la joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka oo shalay uu qorshuhu ahaa in looga dareero - markii ugu horeysey- dhammaan gobollada Puntland.

Go'aankaas ayuu Madaxweyne Faroole sheegay in loo qaatay si loo dhowro ammaanka iyo midnimada, maadaama sida uu hadalka u dhigay ay jiraan dad xilliga doorashada qorsheynaya in ay khalkhal siyaasadeed ka abuuraan deegaanada Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya