4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Doon ka baxday dekedda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo Maalintii Toddobaad lagu la’yahay Badweynta Hindiya

Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Waxaa xeebaha gobolka Bari maalintii 7-aad lagu la' yahay dooni yar oo ka baxday dekedda magaalada Boosaaso, kuna sii jeedey degmooyinka Xaabbo iyo Murcanyo, kuwaas oo dhaca xeebaha fog ee gobolka Bari ee kulaala bad-weynta Hindiya.

Doontan oo ahayd nooca yaryar ee kalluumaysiga, islamarkaana ay la socdeen 3-qof oo isugu jirey labo nin iyo hal qof oo dumar ah, waxay magaalada Boosaaso ka baxday galabnimadii Khamiista ee lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah ehelada dadka doontaas lagu la' yahay oo maanta la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Puntland, ayaa welwel xooggan ka muujiyey nolosha dadka doontaas saarnaa; maadaama ay dabeylo xooggani dhacayaan, badduna ay aad u kacsan tahay.

Maxamuud Waaberi Cismaan oo kamid ah ehelada mid kamid ah dadka doontaasi ay la luntay, ayaa sheegay in baaritaan xooggan ay ka sameeyeen xeebaha, welina aysan ku guuleysan in ay helaan wax raad ah oo muujinaya in dadkaasi ay dhinteen iyo in kale.

“Waxay ka baxday Khamiistii Bosaaso, intii ka danbeyseyna waan la' nahay, wax war ahna kama hayno... waxay siddey qaad, waxayna ku socotey Xaabbo iyo Murcanyo.." Maxamuud Waaberi oo kamid ah ehelada mid kamid ah dadka doontaas lagu la' yahay ayaa yiri.

Xilliga bad-xiranka oo ay dabeylo xoogani dhacaan, islamarkaana ay baddu tahay mid aad u kacsan, waxaa sanad walba badda lagu waayaa doomo u badan kuwa yaryar ee aan iska difaaci karin mowjadaha waaweyn ee badda, iyadoo xilliyada qaarna ay waxyeello soo gaarto doomaha waaweyn ee u kala goosha Somaaliya iyo dalalka Khaliijka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya