4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Ururka Midowga Yurub oo ka Hadlay shir looga hadlayo dib u dhiska Somalia oo lagu qabanayo Magaalada Brussels

Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay shir la doonayo in looga hadlo dib u dhiska Soomaaliya oo bisha Septebmer ee sannadkan ka dhaci doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid Soomaaliya gaar u ah.

Madaxa arrimaha dibadda iyo siyaasadda ee ururka Midowga Afrika, Catherin Ashton oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid gaar u ah Soomaaliya, loogana hadli doono sidii dib loogu dhisi lahaa.

“Shirka xarunta Midowga Yurub ka dhici doona bisha September waa mid u gaar ah Soomaaliya, waxaana kasoo qaybgeli doona dalalka kaalmooyinka siiya Soomaaliya si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalka ay dagaalladu la dageen,” ayay tiri Ashton oo sharraxayay shirka iyo cidda kasoo qayb-geli doonta.

Ashton waxay intaas raacisay in shirkaas ay shirguddoomin doonaan iyada iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uuna yahay mid ka mid ah shirarkii loo qabanayay dib u dhiska Soomaaliya.

“Madaxweynaha Midowga Yurub, dalalka Midowga Yurub ku jira oo 27 ah iyo ururro kale oo caalami ah ayaa kasoo qaybgeli doona shirkan. Shirkan ma noqon doono midkii ugu dambeeyay ee Soomaalida loogu qabto xarunta EU-da,” ayay Ashaton mar kale ku sheegtay warbixin ay xarunta Midowga Yurub ku siisay warbaahinta.

Sidoo kale, waxay sheegtay in shirkan lagu jeex-jeexi doono inta uu socdo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa, dib u dhiska iyo in dowladda Somalia ay yeelato garsoor cadaalad ah.

Ugu dambeyn, Ashton waxay sheetay inay rajeynayaan shirkaas inay kasoo bixi doonaan qodobbo wanaagsan, waxaana uu shirkan imaanayaa iyadoo ay dhawaan Muqdisho yimaadeen wafdi uu hoggaaminaya u qaybsanaya loo xil saaray qabanqaabada shirkan iyo danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowr jeer ka hadlay shirkan ayaa sheegay inuu ka rajeynayo natiijo wax ku ool, isagoo xusay inay aad ugu faraxsan yihiin xilligan in caalamku uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca dib u dhiska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya