4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Somaliland oo Xayiraadii ka qaaday duulimaadyadii diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku tegi jireen deegaannadeeda

Isniin, July 15, 2013 (HOL) —Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inuu xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii diyaaradaha Qaramada midoobay ee si ku meelgaadh ah uga joojiyey madaaradda Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in ka dib markii heshiish ay wada gaadheen Somaliland iyo Soomaalya ay keentay in xayiraadii saarnayd duulimaadyada Qaramadda midoobay laga qaado, isla markaana ay si caadi ah u iman doonaan diyaaradaha Qaramadda midoobay.

“Heshiiska ka  soo baxay  wada hadaladii Turkiga waa mid abuuri karta jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi wasiirka Duulista oo faahfaahin ka bixinayey sababta xayiraadda u qaadeen, waxaanu intaas ku daray “Aniga oo ku hadlaya  magaca xukuumada waxaan idiin sheegayaa  in Somaliland ay dib u qiimaysay duulimaadyadii ay xanibtay ee qaramada miboobay, anaga oo ka duulayna heshiiskan hor dhaca ah, baahida loo qabo danaha adeegyada bulshada maanta laga bilaabo waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu dib  u furay duulimaadyadii qaramada miboobay,” ayuu yidhi wasiirka Duulida Hawadda Somaliland Xaashi oo ka hadlayey xayiraadii uu ka qaaday duulimaayadii Qaramdda midoobay.

Wasiirku waxa uu sheegay in markii ugu horeysay ay maamulada hawadda Soomaaliya iyo Somaliland gacanta usoo gali doonto gacmo Soomaaliyeed, kuwaas oo maamuli doona, waxaanu tilmaamay inay heshiishkii Turkiga laga gaadhay maamuladda hawadda ay soo dhoweynayaan, isla markaana ay si wada jir ah shir u wada gali doonaan saddexda dhinac ee hawshani khusayso Somaliland, Soomaaliya io Qaramadda midoobay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay shaqaalihii reer Somaliland ee ka hawlgali jiray xafiiska Nairobi ay madaaradda Somaliland  shaqadda ka bilaabi doonaan, waxaanu xusay inay guul u tahay labadda dhinacba heshiishka laga gaadhay maamulidda hawadda sare ee Soomaaliya.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay dib u dhac ku yimid furista madaarka Hargeysa oo ahayd in bishii hore ee jun 20 keedii in la furo, haseyeeshee  arrimo farsamo darteed dib udhac ku yimid.

“Mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ahayd inaanu  furno 20 bishii june dib ayuu nooga dhacay waxaana sababay duruuf farsamo,waxa ku yimid dhibaatooyin doora kuwaas oo ay ka mid ahaayeen roobabkii guga oo ku keenay dib u dhac”ayuu yidhi wasiirka oo ka hadlayey dib u dhaca ku yimid furitaanka madaarka oo muddo lix bilood ka badan u xanibnaa dayactir lagu samaynayey.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland