4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Qaraxyo Miino oo saaka Aroortii hore ka dhacay Jidka Soddonka oo isku xira degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir


Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Laba qarax oo waaweyn ayaa saakay aroortii hore ka dhacay jidka soddonka oo isku xira degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyadoo la sheegay in qaraxayadaas oo miino ahaa lagu burburiyay qaar ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeya ee ku yaalla jidkaas.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Al-baraka ee degmada Hodan, iyadoo la sheegay in miinooyinkan lagu xiray saddex baalle oo ka mid ah kuwa cadceedda qorraxda ku shaqeeya.

“Saakay markii aan salaadda subax kasoo baxnay ayaan maqalnay laba qarax oo waaweyn, markii aan laamiga nimid ayaan aragnay saddex baalle oo ka mid ah kuwa korontada ku shaqeeya oo dhulka yaalla,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugan xaafad ku dhow halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Goobjoogaha ayaa sheegay inay filayaan in qarxyadan ay ahaayeen kuwo lagu sii xiray baallayaasha, wuxuuna sheegay inaysan qaraxyadan geysan wax khasaare nafeed ah, cid loo qabtayna aysan jirin.

Jidka Soddonka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa laba bilood ka hor maamulka gobolka Banaadir uu ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, kuwaasoo xiliga habeenkii ah iftiimiya jidadka.

Tallaabadan ayaa waxaa dadka qaarkood ay ku sheegeen mid laga xumaado iyagoo sheegay in lagu dhibaateeyay qaraxyadan nalal dadka ay ifsan jireen xilliyada habeenkii ah.

Maamulka degmada Hodan ayaan weli ka hadlin qaraxyadan, inkastoo ay ku eedeyso dowladda Soomaaliya falalka noocan oo kale ah inay ka dambeyso Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Ballayaashan ayaa waxaa la geliyay jidadka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo jidka Soddonka, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu horay dadka deegaannadaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay ballayaashaas uga difaacan lahaayeen kuwa dhibaatada geysanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya