4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Shir-weyne looga Hadlay Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga Somalia oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Nairobi (SAWIRRO)


Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu soo gabgabeeyay shalay oo Axad ahayd shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maal-gashiga Soomaaliya, kaasoo socday laba maalmood, waxaana shirkaas ka qaybgalay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah.

Shirka waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Economic Forum iyadoo maal-gashadaayasha ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ahba lagu tusaaleeyay fursadaha ka bannaan Soomaaliya xilligan oo ay nabadgelyo ka jirto.

Agaasimaha Somali Economic Forum, Xasan Muuse Dudde oo shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay doonayaan in Soomaaliya laga kaalmeeyo dhinacyada ay dadkeedu u baahan yihiin sida beeraha, kalluumaysiga iyo xoolaha nool oo Soomaaliya ay hodan ku tahay, wuxuuna u mahadceliyay ganacsatada gudaha oo uu sheegay inay dalka ka sameeyeen maalgashi aad u wanaagsan.

Shirkan ayaa laga soo saaray talo-bixin ku wajahan maal-gashadayaasha Soomaalida iyo ajnabiga ah iyo sidoo kale talooyin loosoo jeediyay dowladda Somalia oo ku saabsan sida ay u soo dhoweyn lahayd ganacsatada doonaya inay dalka ku sameystaan maal-gashi ballaaran.

Dhawaan ayay ahayd markii golaha baarlamaanka Somalia ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen sharciga maal-gashiga dalka, kaasoo in muddo ah la sugayay, waxaana arrinkaas aad u soo dhaweeyay shirkadaha ajaanibta ah ee doonaya inay Soomaaliya maal-gashadaan.

Soomaaliya hadda waxaa ka jira dowlad rasmi ah oo geli karta heshiisyada caalamiga ah, waxaa sidoo kale dib u soo noqday nabadgalyadii caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo laf dhabar u ah isku xirka ganacsiga dalka iyo maal-gashiga, iyadoo lagu howlan yahay sidii maalgashi loogu sameysan lahaa Soomaaliya.

Shirkadaha caalamiga ah ayaa waxay indhaha ku hayaan Soomaaliya si ay maal-gashi ugu sameystaan, iyadoo sidoo kalena shir midkan ka horreeyay lagu qabtay bishii lasoo dhaafay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlay sidii loo maalgashan lahaa Soomaaliya.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya