4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Wafdi ka socday gudiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS oo ka qaybgalay Shirweynihii Olombikada Qaaradda Afrika (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013(HOL)—Waxaa magaalada Abidjan ee waddanka Ivory Coast lagu soo gabagabeeyey Shirweynihi Olympik ada qarammada Africa ANOCA. Shirka oo soconayay laba maalmood 12 & 13 July 2013 waxaa shalay la bixiyey warbixinnadii kala duwanaa waxaa sidoo kale dhacday doorashadii guddiga maamuli doona ururka 4ta sano ee soo socota.

 

Madaxweynaha Ururka ayaa waxaa loo doortay Gen.  Lassana plenfo oo Waddanka Ivory Coast ka socday, Ku xigeenka koowaad waxaa loo doortay Mustafa Berraf oo  Algeria ka socday, ku xigeenka labaadna waxaa loo doortay Joao Da Costa sao Tomie, Philip Ha Shun oo ka yimid dalka Mauritius ayaa ku xigeenka seddexaad loo doortay, halka ku xigeenka afaraadna loo doortay Madla oo ka  socotay dalka Lesotho. Intaas kaddib Xoghayaha guud ayaa loo doortay Tonas Sithole oo dalka Zimbabwe ka socday, halka Khasnajiga loo doortay Habu Ghumel oo Nigeria u dhashay.

 

Soomnaaliya waxaa shirkan uga qeybgalay Wafdi ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS C/llaahi Axmed Tarabbi iyo Xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed Faarax.

 


Intii Shirka socday waxaa warbixintooda la dhageysta mas’uuliyiin ka socday Olombikada dalka Brazil, kuwaasi oo ka warbixiyay diyaargrowga Rio De Jinero oo marti galineysa tartanka Olympicada 2016 iyo sidoo kalewaxaa la dhegeystay xubno ka socday Magaalooyinka  Istanbul iyo Madrid oo ku tartamaya martigalinta Olympicada 2020.

 

Intii uu kulanku socday waxaan kulamo gaar gaar ah la yeelanay madax Olympicada oo kala duwan iyo masuuliiyiin xiriirrada caalamiga iyo kuwa Africa sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ay la leeyihiin Somalia iyo sidii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen dib u soo celinta Isboortiga Soomaaliyeed.