4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Kulan looga hadlayay sidii Odayaashu u taageeri lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Kulan weyn oo looga hadlayay sidii odayaasha dhaqanka ay ugu midoobi lahaayeen taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen madax-dhaqameedyo, odayaal, waxgarad iyo guddoomiyaha hay’ada wadahadalka bulshada, Ciise Axmed Cumar.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa khudbado dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay madax dhaqameedyadii kas qayb-galay, kuwaasoo soo jeediyay in loo midoobo sidii looga hortegi lahaa dhibka ay Al-shabaab ka geysanayso magaalada Muqdisho.

Iimaam Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii kulanka kasoo qeyb galay ayaa sheegay in kulankan uu yahay sidii xaaladda dalka uu ku jiro looga arinsan lahaa, gaar ahaan odayaasha dhaqankan sidii ay ugu midoobi lahaayeen taageerada lagula jiro Al-shabaab.

"Maanta waxaa halkan isugu nimid wax dalka u roon inaan ka arrinsanno, odayaashana dhibaatada ugu badan ayay soo mareen, waxayna ku baaqeen nabad, dagaalkana in lasoo afjaro waa taageereynaa," ayuu yiri Iimaam Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay CCD sida ay isugu xilqaantay isku keenidda odayaasha dhaqanka iyo ka hadalka arrimaha ku saabsan nabadda.

"Dhibaatada Muqdisho ka jirta waa iska caddahay, waa caasimadda dalka danaha laga leeyahay waa badan tahay. Cadow badan ayay leedahay oo gudaha iyo dibadda ah, waana in laga hortagaa. Kuwa dhagar-qabayaasha ah ee dilalka iyo qaraxyada Muqdisho ka geysanaya waa in la iska qabto," ayuu yiri nabaddoon Xaad.

Suldaan Maxamed Cabdi Shirdo oo isna hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay u midoobaan sidii looga talin lahaa aayaha ummadda, isagoo xusay in culeys badan lasoo saaray magaalada, ayna muhiim tahay in dadka oo dhan ay iska kaashadaan sidii kooxaha dhibaatada geysanaya meel looga soo wada-jeesan lahaa, isla markaana ay odayaasha dhabarka u xirtaan.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo kulanka ka hadlay ayaa isagana shaaciyay inay odayaasha dhaqanku u midoobaan sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka laga geysanayo Muqdisho. isagoo sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

"Arrimaha dalka ka jira waa in waxgaradka ka midoobaan, Al-shabaab dhib ayay ka waddaa caasimadda, sida dhiigga iyo xiddidduhu isugu milan yihiin ayay dadka ugu dhex jiraan, waa in la iska kaashado sidii dhibka ay wadaan looga hortagi lahaa," ayuu yiri Caaqil Yaxye.

Sidoo kale, waxaa hadlay Xasan Cali Waranto oo yiri: "Waa in laga hortagaa hadii abaabul loo helo, in bulshada iyo ciidanka isku xirnaadaanna waa mid meesha ku jirta, waana in gacmaha la is qabsadaan oo laga hortagaa kuwa dhibka geysanaya, in degmo walbo isku-xirnaado oo lasoo sheego kuwa ku howlan dhibaateynta shacabka ."

Ugu dambeyn waxgaradkii, odayaashii dhaqanka iyo qaybihii kale ee kasoo qayb-galay kulanka ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin la xiriira sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka dalka ka jira, loogna midoobi lahaa, sidii ciidamada amniga gacan lagu siin lahaa sugidda ammaanka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya