4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Majallad ku hadlaysa afka Carbiga oo ay soo saareen Haween wax-ka-barta Magaalada Laascaanood ee G/Sool (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Haweenka wax-ka-barta machadyada diiniga ah ee magaalada Laascaanood ayaa soo bandhigay jariidad ama wargeys bille ah oo ka hadli doonta arrimaha haweenka iyo horumarintooda, kuna soo baxaya afka Carabiga.

Jariidaddan oo loo bixiyey AL-CIFFA oo macneheedu yahay dhawr-sanaan ayaa sida uu sheegay, Sheekh Maxamed Aadan Weli ay noqonaysaa mid ka hadasha baahida cilmi ee haweenka iyo dhammaan wixii horumar ah ee ku saabsan arrimaha haweenka Soomaaliyeed.

Majalladdan oo ah mid midab leh ayaa waxa munaasabadda lagu soo ban-dhigayay ka qayb-galay ardayda wax-ka-barata machadyada iyo jaamacadda magaalada Laascaanood.

Sheekh C/naasir Faraaid oo ka mid ah culummada degmada Laascaanood oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhawrsanaanta iyo ilaalinta hadalka.

Majalladdan ayaa ah tii labaad ee kusoo baxda luuqadda Carabiga ee ay soo saaraan ardayda wax-ka-barata machadyada ku yaal xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Sannadkii hore ee 2012 ayay ahayd markii majallad noocan oo kale ah ay soo saareen ardayda macyadka Al-furaqaan ee degmada Laascaanood, balse aan hadda ka muuqan suuqyada lagu iibiyo wargeysyada.


Seynabd Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool