4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
AFHAYEENKA AMISOM: “Shacabku waa inay gacan ka geystaan sidii Amniga Muqdihso iyo kan Dalka lagu sugi lahaa”


Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ciidamadoda iyo kuwa dowladda Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Col. Xumad ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan inay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in haddii aan si wadajir ah looga hortegin ay noqonayso inay ku guuleystaan hadafkooda gurracan.

“Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM waxay dadaal ugu jiraan sidii looga hor-tagi lahaa falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay ka geysanayso gudaha Muqdisho, shacabkana waxaan ka dalbanaynaa inay gacan nagu siiyaan oo ay soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan inay ammaanka khatar ku tahay,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa xusay in weerarkii shalay ciidankooda lala beegsaday uu ahaa mid ay khasaaraha ugu badan kasoo gaartay dadka rayidka ah, uuna aad uga xun yahay falalka ay kooxda nabadda diiddan ka waddo dalka Soomaaliya oo dhan.

“Ciidamada AMISOM mar walbana waxay diyaar u tahay inay ka hortagto wax walba oo dhibaatooyin ah oo shacabka soo gaaraya. Dadaal maqanna ma jiro, balse dadka ayaan weydiisanaynaa inaysan soo dhexmarin kuwa doonaya inay dhibaatooyinka geystaan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan marnaba ku guuleysan doonin hadafyadooda ku aaddan inay qaraxyo iyo dhibatooyin kale ka geystaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday ciidamada AMISOM ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ku weerarto gaadiidka AMISOM baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dishay sideed askari oo kuwa AMISOM ah iyo laba sarkaal oo Mareykan ah, inkastoo aysan sheegin dadka shacabka ah ee wax ku noqday weerarkaas, balse afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in weerarkaas ay kaga dhaawacmeen laba askari oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya