4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Ururka Siyaasadeedka Wadajir oo Maanta sheegay inuusan ka Qayb-gelayn Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland


Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Urur-siyaasadeedka Wadajir oo kamid ah 6-da urur-siyaasadeed ee Puntland ayaa maanta shaaciyey in uusan ka qayb geli doonin doorashada goleyaasha deegaanka ee Isniinta soo socota la filayo in ay ka qabsoonto deegaanada Puntland.

Madaxda ugu sareysa ururka oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskooda magaalada Garoowe ayaa sheegay in kaddib markii ay qiimeeyeen arrimo badan ay isla qaateen in aysan ka qayb gelin doorashada soo socota.

Axmed Ibraahim Cawaale oo ah xog-hayaha guud ee ururka Wadajir ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay, wuxuuna tilmaamay in kaddib markii ay darseen xaaladda siyaasadeed ee Puntland ay usoo baxday in doorashadu aysan qaabkii loogu tala galay u dhici doonin, sidaas darteedna ay qaadaceen ka qaybgal keeda.

"Waxan halkan idiinku yeernay inaad makhraanti ka ahaataan inaanan ka tanaasulnay doorashooyinkii Puntland...markii aan wax badan darisnay waxa hadda socda iyo xaalada ay Puntland ku sugan tahay waxan go'aan ku gaarnay inaanan ka qayb gelin doorashooyinka dhacaya.." Mudane Cawaale ayaa yiri.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka Luul Jaamac Aw-nuur ayaa iyaduna shirkaas jaraa'id ka sheegtay in ururkoodu uu kamid yahay kuwa ugu taageerada badan, sababta ay doorashada u qaadaceenna aan loo fahmi karin in ay taageero badan waayeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli labo maalmood keliya ay ka harsan yihiin wakhtiga ay dhici doonto doorashada goleyaasha deegaanka, kaas oo ah maalinta isniinta ee ay taariikhdu ku beegan tahay July 15, 2013.

Horay doorashada goleyaasha deegaanka Puntland waxaa u qaadacay dhowr urur-siyaaseed inkasta oo ay qaarkood dib go'aankaas uga laabteen. Ururka Wadajir ayaa labeynaya urur-siyaasadeedka Midnimo oo isagu mar sii horeysey shaaciyey in uusan ka qaybgeli doonin doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee ka dhacda Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya