4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Dilkii Cabdulqaadir Yaxye Sh. Cali oo ay Siddeed Sano kasoo Wareegtay iyo Hadalladii Xusuusta lahaa ee uu ka tagay

Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Sideed sano ayaa kasoo wareegtay markii kooxo hubeysan ay xalay oo kale ku toogteen gurigiisa oo ku yaalay degmada Wadajir C/qaadir Yaxye Sheekh Cali oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii hay’adda cilmi-baarista iyo wadashiga CRD.

C/qaadir Yaxye oo isagoo dalka dibaddiisa ku noolaa wuxuu go’aansaday in uu dalka dib ugu soo laabto si uu uga shaqeeyo nabadeynta Soomaalida oo dagaallo kusoo jiray muddo tobaneeyo sanno ah.

Wayaabixii uu ka digi jiray oo ay ka mid ahaayeen qabyaaladda iyo nabad la’aanta ayaa weli ka socda Soomaaliya, waxaana la toogtay isagoo hoygiisa ku sugan xilli habeenimo ah, markasoo ku beegmayd 11-kii July 2005.

Shirar badan oo uu ka qeybgalay ayuu ka sheegay hadallo weli taagan oo ku aadan dhibatada Soomaaliya ka jirta sida dilalka, xaalufinta kheyraadka iyo weliba sida ay Soomaaliya u noqotay meel laga isaga tallaabiyo waxyaabaha shaci-darrada ah.

“Marxuum C/qaadir Yaxye wuxuu ahaa nin wax badan ku baraarujin dadka Soomaaliyeed sida inay aayahooda ka tashadaan, ayna kala gartaan wixii ay dhibaato ugu jirto iyo wixii ay faa’iido ugu jirto. Wanaaggaas uu ummadda u sheegayay darted ayaana loo dilay,” sidaa waxaa goobtii aaskiisa ka yiri waxgarad kala duwan oo kasoo qaybgalay duugtiisa.

C/qaadir Yaxye ayaa waxaayabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu si aad ah ula dagaalami jiray qabyaaladda, waxaana hadalladii uu ka tagay ka mid ahaa: “Ma jiro qof doortay in uu noqdo reer hebel, Sidaas darteed waa qalad in qof loo waxyeelleeyo ama loo dilo waa reer hebel.”

Hay’addii CRD ee uu qaybta weyn ku lahaa aasaaskiisa ayaa weli shaqeysa iyadoo dadaallo badan ugu jirta sidii dalka loo gaarsiin lahaa nabad iyo inuu ka baxo colaadaha uu kusoo jiray muddada 22-ka sano ka badan.

“Muqdisho dadka ayaa lagu dilayaa, Soomaaliduna dhaqan yo caado midna uma lahayn in ninka wax dila uu dadka iska dhexmaro, qof la hadlana aysan jirin. Dadkiina dad nool oo sharaf, diin, dhaqan iyo caado leh waaye, waxba kama duwana marka dhurwaa intuu ri’ iska qabsado iska dilo oo halkaas iska maro, dadka waa ka sheekeynayaan dhibaatadaas waxba kama qabanayaan, dadkaas annaga ayaa ka mid ah, idinka ayaa ka mid ah, kuwa naga maqan ayaa ka mid ah. Dad badan oo diinta iiga fiican ayaa idinku jira, Soomaaliya xaaladdeeda waxay taagan tahay ‘Aleysa Minkum Rajulun Rashiidun’ mala waayay hal nin oo fiican oo idinka mid ah,” eraydan waxay ka mid ahaayeen kuwii ka tagay marxuum C/qaadir Yaxye.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo la mid ahaa C/qaadir Yaxye dadaalna ugu jiray sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd ayaa sidan oo kale naftooda ku waayay, iyadoo kooxihii dilay aan weli gacanta lagu dhigin.

Allaha u naxariisteen, C/qaadir Yaxye Sheekh Cali Cibaar wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1957, wuxuuna wax ku bartay Muqdisho, isla markaana wuxuu kasoo shaqeeyay wasaaraddii beeraha xilligii Kacaanka. Safaaraddii Mareykanka ee Somalia ayuu kasoo shaqeeyay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyay howgalkii rajo soo celinta Soomaaliya ee UNOSOM II.

Dhanka kale, wuxuu lasoo shaqeeyay Midowga Yurub, wuxuu xubin ka ahaa bahda isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu la soo shaqeeyay hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG), markii ugu dambeysayna wuxuu ka tirsanaa madaxda hay’adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya