4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaray Shabeellada Hoose

Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay shan ruux oo ka mid ah kuwii uu dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay sagaal kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray manta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar la beegsadeen saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmadaas oo ka mid ahayd degmooyinkii horraantii sannadkan laga qabsaday Al-shabaab.

“Ciidamada dowladdu way iska difaaceen weerarka, waxaana halkaas kaga dilnay saddex ka mid ah Al-shabaab, iyadoo aan ka dhaawcmay lix kale,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Awdhiigle Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weerarkaas uu kaga dhintay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda saddex kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Awdhiigle ayaa warabahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo muddo socday, iyagoo xusay inaysan jirin cid ka mid ah dadka deegaanka oo ay waxyeello kasoo gaartay.

Degmada Awdhiigle ayaa waxay u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelllada Hoose iyadoo kaga beegan dhinca galbeed.

Xarakada Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku qaadeen weerar qorsheysan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Awdhiigley ayna halkaas ku dileen askar fara badan, balse ma sheegin khasaarihii dhankooda soo gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya