4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo shacabka Puntland ku booriyay inay ka Qayb-galaan Doorashooyinka Puntland


Jimco, July 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Puntland inay ka qayb-qaataan doorashooyinka golaha deegaanka oo billaaban doona Isniinta soo socota oo ku beegan 15-ka bishan July.

Faroole wuxuu shacabka ka dalbaday inay ciddii ay doonaan u codeeyaan, balse ay tahay inay doorashada u soo baxaan, isagoo sheegay in doorashadu ay tilmaan u tahay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee Puntland ay ku tallaabsatay.

“Cidaad rabtid u code… hadaad rabto Horseed ha u codeyn, laakiinse waa in aad codeyso. kuwo badan baa dhexda ka baxay oo waxay is lahaayeen wax hagaagi mayaan, waxaana jira kuwo caqabad ku ah horumarka Puntland ay ku tallaabsatay,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Somalidu waxay oran jirtay qofkii low isku dhuftaa - isagaa u dhutiya, qofkii dhibaato sameeyo waa lagu ciqaabaa waana laga jaasaynayaa.”

Doorashooyinkan golaha deegaanka oo noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay Puntland qabato ayaa waxaa ka qaybgalaya xisbiyo fara badan oo xilliyadii ugu dambeeyay is-diiwaangelinayay, kuwaasoo uu ku jiro xisbi uu hormuud u yahay madaxweynaha Puntland oo lagu magacaabo Horseed.

“Xisbiyada la sameeyay waa kuwo aan soo dhaweynayo waana kuwo tilmaan u ah horumar dhinaca siyaasadda ah ee la gaaray. Waxaana ku boorrinayaa inay kuraasta madaxnimada u tartamaan. Ninkii wanaag doonaya waa inuu la shaqeeyaa wanaagga, waayo dunida horumar ayay ku socotaa,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka sheegay isku soo baxyo uu ka sameeyay xisbiga Horseed deegaannada Puntland oo ay ku jirto degmada Garoowe oo ah xarunta maamulkan.

Doorashooyinkan ayaa waxay ka dhici doonaan guud ahaan deegaannada uu ka kooban yahay Puntland, iyadoo dhowr jeer oo hore ay doorashooyinkan golaha deegaanku dib u dhac ku yimaadeen, balse hadda la xaqiijiya inay dhici doonaan 15-ka bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya