4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Qaramada Midoobay oo ka digtay in dib loo celiyo Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Dalka Kenya


Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxa hay’adda UNHCR oo qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo iyadoo aan la raacin sharciayada caalamiga ah ee u dagsan qaxootiga iyo habka loola dhaqmo.

Antonio Guterres ayaa sheegay in qorshaha dowladda Kenya ay dib ugu celineyso qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool ay tahay inuu noqdo mid gaarsiisan heerarka caalamiga ah.

Sidoo kale, Guterres wuxuu xusay in inkastoo ay kasoo raynayso xaaladda Soomaaliya, haddana dib u celinta qaxootiga ay tahay inay noqoto mid ku timaada si ikhtiyaari ah.

“Dib u celinta qoxootiga Soomalida Soomaalida ee Kenya ama dalalka kale ee dariska ah ku nool waa inaysan noqon mid ku timaadda si khasab ah, balse waxaan soo jeedinayaa inay noqoto mid ay qoxootigu iskood u doortaana inay dalkooda ku laabtaan,” ayuu yiri Gutterres.

Madaxa UNHCR ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay in xukuumadda Kenya ay awood u adeegsato dib u celinta qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda.

Xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha dhadhaab oo ah kuwa ugu weyn dunida, waxaana ku jira in ka badan nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan go’aansatay inay qoxooti Soomaaliyeed oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay xoog uga saarayso, inkastoo taas ay gaashaanka ku dhufatay maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Soomaaliya waxaa laba sano ka hor ku dhuftay abaaro ba'an oo sababay in kumannaan Soomaali ah ay u hayaamaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee ku yaalla woqooyiga dalka Kenya.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa la dhisay 1991-kii markaasoo jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen dowladdii milateriga ahayd ee ka talinaysay Soomaaliya, waxaana xeryahan oo loogu talogalay inay 90,000 oo qof ay hoy u noqdaan; waxaa ku jira in ka badan nus malyuun qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya