4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Danjirihii Somalia u fadhiyay dalka Koonfur Afrika oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Pretoria ee Xaruntra South Africa


Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Danjirihii Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in marxuumka uu labadii sano ee ugu dambeeyay uu ku soo biiray siyaasadda dalka, uuna noqday danjirihii ugu horreeyay ee Somalia u fariista dalka Koonfur Afrika.

“Safiirku wuxuu horay uga soo shaqeeyay waxbarashada iyo arrimaha bani’aadamnimada, haddana wuxuu ahaa dajirihii Somalia ee Koonfur Afrika,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay soo saartay.

Dajiraha geeriyooday oo horraantii sannadkan loo magacaabay xilkan ayaa wuxuu dadaal badan u galay sidii xukuumadda Koonfur Afrika ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo dilalka ah ee lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Geerida marxuumka ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay dalka Koonfur Afrika tageen wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadd Somalia, kuwaasoo uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda, si ay ugala hadlaan xukuumadda dalkaas sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka dadka Soomaalida ah lagu hayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in dajire Sayid Xasan uu ifka uga tagay caruur iyo xaas, iyadoo uu noqonayo danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo ku geeriyooda Koonfur Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya