3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo si kadis ah ku booqday hay’adaha dowliga ah Warbixinno kala duwanna dhageystay (SAWIRRO)


Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay kormeer kadis ah ku maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawladda, kaas oo aan hore loogu sii sheegin imaanshiiyihiisa madaxweynaha.

Madaxweynuhu hay’adaha uu kormeerka ku soo maray waxa ka mid ah Cisbitaalka Caruurta, wasaaradda Warfaafinta, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo wasaaradda Duuulista Hawadda oo dayac tir balaadhan ka socdo.

Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ku bilaabay Dhakhtarka caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh oo ay hirgalisay Talyaanigu, waxaanu warbixino ka dhagaystay dhakhaatiirtii ku suganayd oo u badnayd Ajanabi, waxaanu soo indho indheeyey caruurta ku jirtay cisbitaalka isagoo ilaahay u baryey inuu caafimaad siiyo.

Waxa kale oo uu soo maray Wasaarada Warfaadinta Wacyigelinta iyo dhaqanka, waxaana warbixino ka siiyey wasiirka warfaafinta,  Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Agaasimaha Tv-ga Qaranka, Agaasimaha Idaacada, Agaasimaha Farsamada iyo Agaasimeyaasha kala Duwan ee Wasaarada.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu soo maray wasaaradda Duulista iyo Hawadda Sare, waxaana hawlaha shaqo ee ka jirta madaarka warbixin ka siiyey wasiirka Duulista Maxamud Xaashi oo sheegay inay meel fiican u marayso dib u habaynta iyo dayactirka lagu waddo madaarka Hargeysa oo muddo ka badan lix biloood u xanibna dayactirkaasi lagu samaynayo.

Sidoo kale, waxa uu kormeerkiisan ku tagay Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay Maayarka Caasimada iyo  maayar ku xigeenka oo ku jira hawlohooda shaqo ee caadiga ah.

Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ka war hayn Bulshada iyo Hay'adaha kala Duwan ee Dalku waxa ku wehelinaayey Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gen Faysal Kaamil Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Cabdiaahi Fadal Imaan, haseyeeshee muu wadan tagnikadii iyo ciidankii badnaa ee looga bartay.

Si kastaba ha ahaatee, kormeerada sidan oo kale waxay keenaysa inay masuuliyiintu si fiican ugu shaqeeyaan dadweynaha, isla markaana aanay ka maqnaan xafiisyada saacadaha shaqaddu ka socoto.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu shacabka reer Somaliland iyo islaamkaba ugu hambalyeeyey bilashadda bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu ilaahay u baryey inay bishaa cibaado ku dhamaystaan nabadgalyo iyo badhaadhe, kuna gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa caafimaad iyo barwaaqo, isagoo inta xauunsanaysa  ee aan awoodi karina ilaahay u  baryey inuu caafiyo.






Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/10/2013 4:01 PM EST
Arbaco, July 10, 2013(HOL)—Dowladda Soomaaliya ayaa ammaan ku muteysatay mowqifkeeda ku aaddan difaacidda xuquuqda aadanaha, waxayna ammaantaas ku heshay in ay miiska soo saartay qaraar lagu difaacayo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee la takooro ee loo yaqaano Albinism.

7/10/2013 9:42 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan wanaagsan iyo inay bishan ku dhameystaan cibaadadooda nabadgalyo iyo xasillooni.

7/10/2013 9:13 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Danjirihii Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.

7/10/2013 3:14 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa billaabay maanta inay isaga baxaan, iyadoo la arkayo inay ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.

7/10/2013 3:05 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxda Soomaalida ayaa shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bisha barakceysan ee Ramadaan iyagoo ka codsaday inay Alle ka baryaan in dalkooda uu noqdo mid deggenaasho taam ah hela.

7/10/2013 2:40 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulan la qaatay culummada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay ka qaybqaataan sidii shacabku ay uga qayb-qaadan lahaayeen sugidda ammaanka.

7/10/2013 2:28 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.