4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Ciidamada Itoobiya oo Billaabay inay isaga baxaan Degmada Baydhabo iyo Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Bay

Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa billaabay maanta inay isaga baxaan, iyadoo la arkayo inay ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.

Degmada Baydhab ee xarunta gobolka Bay oo fariisimo kaga lahaayeen laba goobood oo kala ah; warshaddii Xaseey iyo xerada xarunta taliska qaybta 60-aad ciidamada xooggan dalka.

Fariisimahan ayaa waxaa la wareegaya ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan, iyadoo la xusuusto in horay loogu wareejiyay fariisimo waaweyn oo ay kaga sugnaayeen degmada Baydhabo, sida garoonka diyaaradaha.

“Maalmahan waxaa si weyn loo hadal hayay ka bixitaanka ciidnka Itoobiya ay ka baxayaan gobolka, kuwaasoo maalmaha laga darmeeyay socodkooda gudaha Baydhabo iyo degmooyinkii kale ee ay ku sugnaayeen,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan Baydhabo.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay isla maanta inay ka baxaan degmooyinka Qansax-dheere iyo Berdaale oo ka tirsan gobolka Bay ayna ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo sannado ka hor soo galay gobolkaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa degmada Baydhabo kala wareegay Al-shabaab bishii Feberaayo sannadkii 2012, iyagoo uga gudbay degmooyinka kale ee gobolka Bay, kuwaasoo gabi ahaan ay ka baxayaan.

Horaantii sannadkan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasoo ay dib u qabsatay Al-shabaab, kaddib muddo sannad ah oo ay dibad-joog ka ahayd.

Hiiraan Online, Baydhabo