4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Xuska Maalinta Xoriyadda iyo is-raacii Labada Gobol ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaaladda Minneapolis (SAWIRRO)


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Xaflad ay soo qaban-qabiyeen ururka KAJOOG oo ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waddada Lake Street oo ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku taalla Koonfurta magaalada Minneaplis ayaa la xiray, waxaa kasoo qayb-galay boqolaal qof oo isagu jira carruur, dhallinyaro, wayeel waxayna lulayeen dhammaantood dhammaantood calanka baluuga ah ee Soomaaliya ay caanka ku tahay.

Waxaa kasoo qayb-galay madaxda gobolka, sida mudane Al-Franken, mudane Amy Klobuchar, xildhibaan Keith Ellison iyo musharraxiin kala duwan, sida Cabdi Warsame oo ah wiil Soomaliyeed oo u taagan jagadda guddoomiyaha xaafadda Ward 6 Minneaplis.

Jawigu wuxuu ahaa mid aad u macaan marka loo fiiriyo sannadkii hore oo uu jiray kuleyl badan oo dadka saameeyay. Fanaaniinta reer Minneaplis ayaa munaasabadda ka qaaday heeso waddani ah.

Mudane Al-Farnklin oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farax-san yahay in Washington uu uga soo duulay si uu xafladdan ugala qaybgalo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, waxuu u mahadceliyay dhallinyarada KAJOOG oo munaasabadda xuska 01-da Luuliyo ee lagu qabta Minneaplis soo abaabulay.

Sidoo kale, Amy Kobonuchar oo ka hadasha munaasabadda ayaa u sheegtay Soomaalida inay ogaadaan inay la tahay saaxiib dhow. “Waxaa farxad ah in ay isku dhow yihiin maalmaha xorriyadda Mareykanka iyo Somalia, waxaana aad uga xumahay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysnayo dalka Koonfur Afrika,” ayay tiri haweeneydan oo ka mid ah mudanayasaha Mareykanka.

Ugu dambeyn, xildhibaan Keith Ellison oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in 53-sano oo Soomaaliya ay xor ahayd kaddib 22-sano oo xanuun badan ayay soo martay, balse waxaa nasiib-wanaag ah buu yiri inay hadda muujinayso nabad ayna Soomaalidu leeyihiin dowlad rasmi ah oo dunida oo dhan laga aqoonsan yahay.

















Siciid Saalax Siyaad, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota