4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Sannadguuradii Afaraad ee kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxda Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu qabtay

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guuradii afaraad  ee kasoo wareegtey xiligii la doortay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, islamarkaana muddo 5-saac ka badan socotey ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso.

Xafladda oo bilaabatay abbaare 5:00-tii galabnimo soona gaba gabowdey 10:00kii fiidnimo, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, gudoonka baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa marti sharaf isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimada, ururada haweenka, dhalinyarada, culimaa’uddiinka iyo ururada siyaasadda.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay wasiiru dowlaha maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuuna faah faahin kooban ka bixiyey qodobada dastuurka ee qeexaya muddada ay xukuumadda hadda jirtaa sii shaqeyneyso iyo sharcinimada lifaaqa Dastuurka ku laran.

Intaas kadib, waxaa goobta khudbado kala duwan kasoo jeediyey mas’uuliyiin tira badan oo isugu jirey madax dhaqameed iyo xubno dowladda ka tirsan, waxayna dhamaantood carrabka ku adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in nabadda iyo xasiloonida la dhowro.

Kooxda hobolada Waaberi Puntland ee uu hogaamiyo abwaan Shube ayaa iyaguna intii ay xafladdu socotey soo bandhigey suugaan ka hadleysey wadaniyadda iyo qiimaha ay nabaddu leedahay isalmarkaana jilay riwaayad laga meteley xaaladda siyaasadeed ee xiligan Puntland ka jirta.

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isagu ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay dowladda uu hormuudka u yahay tan iyo markii lasoo doortay bishii Janaayo sanadkii 2009.

Qodobada uu sida aadka ah ugu dheeraaday waxaa kamid ahaa: arimaha dhaqaalaha, ammaanka, geedi socodka Dimuqraadiyadda, warbaahinta iyo qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan sanadka 2013.

Xafladan oo ahayd mid balaaran, islamarkaana lagu xusayey sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtey markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa ayaa kusoo aadeysa xilli ay dhinacyada mucaaradka ahi sheegayaan in xukuumadda Faroole uu wakhtigeedu ku ekeaa 8-da Janaayo oo ku beegneyd shalay.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya