12/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Jaamacad loogu magac daray Somali International University [SIU] oo laga furay Magaalada Muqdisho


Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Jaamacad cusub oo loogu magic-daray Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu furay Muqdisho, iyadoo xarunta Jaamacadan laga dhigay dugsigii hoose/dhexe ee Muuse Galaal oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.

Xaflada furitaanka jaamacaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, ardayda, macalimiinta, aqoon-yahanno, masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga iyo dad weyne lagu casuumay.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka jaamacadda ayaa lagu sheegay in ujeeddada loo furay jaamacaddan ay tahay sidii shacbka Soomaaliyeed ay u heli laahayeen waxbarasho heerkeedu sarreeyo oo ay ka mid yihiin in la baro farsamo ay ku shaqeysan karaan iyo tacliinta dadka waaweyn oo u dhiganta heerka dalalka kale ee caalamka.

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jaamacaddu ay hir-gelin doonto isbitaal u adeega shacabka Soomaaliyeed, kaasoo la heer ah dalalka kale ee caalamka.


“Furitaanka jaamacaddan waa mashruuciii ugu horreeyay oo uu fuliyo ururka SESDO. Maanta oo ay taariikhdu ku began tahay (7/01/2013) ayayna si rasmi ah u billaabanaysaa waxbarashada jaamacadda iyo barnaamijyada kale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jaamacadda ayaa la sheegay inay lix tiir u yihiin aasaas lama taabtaan ah kuwaasoo kala ah: Dhisidda akhlaaqda, asluubta,iyo damiir-wanaagga. Dhisidda aqoonta, garaadka, fikirka iyo farasama aqooneed.  Dhisidda aqoonta adeegsiga aaladda kombuyuuterka & Internetka.  Dhisidda cod-karnimada iyo xirfad soo bandhigista fikrad/barnaamij.  Dhisidda bulshanimo iyo dad la noolaashaha iyo Dhisidda karti cilmibaariseed.

Agaasimaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Muuse Faarax Xeyd ayaa soo dhaweeyay furitaanka Jaamacada cusub isagoo ka codsaday maamulka inay xoogga saaraan soo saarista dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah.

Guddoomiyaha jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya, Prof. Ismaaciil Cali Siciid oo isaguna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in jaaamacaddan ay bixinayso waxbarsho sare, Koleej lagu barto shaqada farsamada gacanta iyo waliba waxbarshada tacliinta dadka waaweyn, isagoo xusay in jaamacadan ay hirgalisay hay’adda waxbarashada iyo horumarinta bushada ee SESDO.


“Ujeeddada loo asaasay jaamacaddan waxaa ka mid ah: dhisida, aqoonta, akhlaaqda, asluubta, damiir-wanaaga, garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada komputerka iyo internetka  iyo waliba qodobbo kale oo faa’iido u leh ardayda,” ayuu yiri Prof. Ismaaciil.

Ugu dambeyn, agaasimaha wasaarada horumarinta adeega bulshada, Muuse Saalax iyo madax kale ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee jaamacadda  oo  ka mid noqonaysa jaamacadaha dhawaanahan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/7/2013 11:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan cusub ee 2013 oo ay maalmihii u danbeeyey ka doodayeen.

1/7/2013 9:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray hoggaanka xarakada Al-shabaab oo ahaa: in ay dhowaan ku dhaqanka shareecada ka hirgelin doonaan Puntland.

1/7/2013 9:30 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay lasii shaqeynayso hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo u dabbaal-degtay shalay sannadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii hay’adda nabadsugidda Soomaaliya.

1/7/2013 9:16 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarka ay ciidamada dowladdu sameeyeen, iyadoo shirkii maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

1/7/2013 8:43 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay khilaafkii soo kala dhexmaray shirkadaha jaadka iyo wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku wuxuu tilmaamay waxyaalaha ay shirkadaha jaadka ka biyo diideen oo uu xusay in cashuurtii ay bixin jireen waxyar loogu kordhiyey iyo xaga sarifka lacagaha oo qiimo hoose laga qaadi jiray oo iyana wax lagu kordhiyey, taas laba ka mid ah shirkadaha qaad diideen inay fuliyaan go’aankaasi, waxaanay taasi keentay in jaadkoodii kontorabaaniyaan, isla markaana uu ka dhasho khasaare soo gaadhay ciidanka booliska iyo shirkada qaadka laftoodaba.

1/7/2013 8:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay xiritaanka kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo soo billowday sannadkii hore, kuwaas oo soo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii 10-kii bishii September ee sannadkii hore.

1/7/2013 7:14 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar Bambaano ku qaaday xarun ku taal xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

1/7/2013 5:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa dalbaday in si dhaqso ah looga soo saaro xaafadda Soomaalidu degto ee Islii saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee howgallada kawada xaafaddaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay geystaan xadgudubyo iyo dhac.

1/7/2013 4:57 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Xubnaha sarsare xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada siyaasdeed ee dalka ka jira ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyagoo dhawaan xafiis ka sameystay degmada Baydhabo ee xaruna gobolkaas.

1/7/2013 1:55 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo aad u tira badan ayaa saaka lagu soo daayiyay magaalada Boosaaso. Meelaha ay ciidamadu sida aadka ah u joogaan waxaa kamid ah suuqa, jidka madaxtooyada aada, jidka garoonka iyo xaafadaha (Laanta-hawada) iyo (Xaafatul-carab). Labadan xaafadood oo ay ku yaallaan inta badan xarumaha dowladda iyo kuwa hay'adaha caalamiga ah.

1/7/2013 1:17 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) ayaa sheegay inuu billowday qorshe lagu mideynayo guud ahaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kulan u socday Ahlusunna iyo Galmudug maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayo.

1/7/2013 1:12 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inuu si fiican u socdaan howlgalka lagu adkaynayo amniga magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howgallada lagu sugayo ammaanka ay si wadajir ah u fulinayaan habeen iyo maalin booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.