4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Wasiirka Ammaanka Maamulka Puntland: “Puntland cidna marti ugama ahan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka”

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray hoggaanka xarakada Al-shabaab oo ahaa: in ay dhowaan ku dhaqanka shareecada ka hirgelin doonaan Puntland.

Wuxuuna sheegay in Puntland aysan cidna marti uga ahayn ku dhaqanka shareecada Islaamka, isagoo intaas raaciyey in mabaadi'da Al-shabaab ay yihiin kuwo aan sharciga ku saleysneyn " Puntland cidna marti ugama aha ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Al-shabaab waa dhiig yacab, mabaadi'dooduna way ka fog yihiin Shareecada Islamaaka" Col. Khaliif ayaa yiri.

Wasiirka amniga Puntland ayaa dhinaca kale ugu baaqay bulshada Puntland in ay nabadda iyo xasiloonida deegaanadooda ilaashadaan, meelna uga soo wada jeestaan cid walba oo khal khal gelin karta. "Puntlnad way ogtahay in Shabaab ay doonayaan in ay qas ka geysato deegaanadeeda, waxaan u digeynaa cid walba oo ku lug yeelata arintaas."

Hadalka wasiirka amniga Puntland ayaa imaanaya maalin kadib markii uu afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage  sheegay, in ay dhowaan ku dhaqanka shareecada Islamaaka ka hirgelin doonaan Puntland.

Waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli dhowr beri kahor xoogagga Al-shabaab ee buuraleyda Golis, ay soo weerareen labo bar-kantarool oo ku yaal iridda laga soo galo xarunta ganacsiga Puntland ee magaalada Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya