4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
AMISOM oo sheegtay inay la shaqeynayso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si ammaan loogu soo rogo Soomaaliya

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay lasii shaqeynayso hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo u dabbaal-degtay shalay sannadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii hay’adda nabadsugidda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda munaasabadda 41-guuradii ee kasoo wareegatay markii la aasaasay nabad-sugidda Soomaaliya iyo dib u furitaanka xarunteeda Muqdisho.

“Hay’adda nabad-sugidda Qaranka waxay door wax ku ool ah ka qaadatay la dagaallanka argagaxisada, dadaalkeeduna waa mid mira-dhal ah. Sidaas awgeed, waxaan dib u xaqiijinaynaa inuu sii socon doono iskaashiga ka dhaxeeya AMISOM iyo hay’adda nabad-sugidda si dalka xasillooni loogu soo dabbaalo loo dhiso hay’adaha dowliga ah,” ayuu yiri Annadif.

Ergaygu wuxuu sheegay in dib u furitaanka xarunta hay’adda Qaranka ay u taagan tahay dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo burbursanaa 20-kii sano ee ay colaaduhu ka socdeen Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ku ammaanay hay’adda inay door-weyn ku leedahay raadinta nabad-waarta iyo amniga gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso dhibaato ku haysa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu ku ammaanay hay’adda inay saaxiib la isku-halleyn karo u ahayd AMISOM tan iyo markii ciidankii ugu horreeyay ee AMISOM la geeyay Soomaaliya sannadkii 2007.

Hadalka mas’uulkan Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo hay’adda nabadsugidda Qaranka ay shalay u dabbaal-degtay sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya