3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Madaxweynah Soomaaliya oo ka qaybgalay xirtaanka Kal-fadhigii Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay xiritaanka kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo soo billowday sannadkii hore, kuwaas oo soo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii 10-kii bishii September ee sannadkii hore.

Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaannada barlamaanka howshii cuslayd ee ay soo qabteen iyadoo jiraan daruufo adag, isagoo xusay in haddii la muujiyo isku xirnaan ay guuleysan karto Soomaaliya.

”Soomaaliya karaamad iyo ixtiraam ayay u tahay inay leedahay baarlamaan mas’uuliyadiisa saaran tahay. Dastuurka in la dhemeystiro waa waajib saaran dhammaan dowladda. Dalka waa in federaal laga dhigo oo ay si xor ah u  dortaan shaqsiga hoggaaminayo,” ayuu ku yiri madaxweynuhu hadla uu u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka.

Mar uu ka hadlay maamul goboleedyada ayuu sheegay in baarlamaanka laga sugayo inay keenan qorshihii lagu dhisi lahaa. Sidoo kale madaxweynaha  ayaa baarlamaanka ogeysiiyay in deegaan walba uu dooranayo mas’uulka hoggaamin doono. Loona baahan yahay dowladda in la gaarsiiyo dhammaan gobolladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay xildhibaannada baarlamaanka inay ka qayb-qaatan sugidda amniga ayna u baahan yihiin inay la hadlaan shacabka ay matalaan ee ku sugan dalka ama dibaddiisa si ay ugu qayb-qaataan dhaqaale aruurin loo sameynayo dowladda.

Gabagabadii hadalkiisa ayuu madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyay amniga kuna tilmaamay inuu yahay muhiimadda koobaad ee dowladda; isagoo ku boorriyay xildhibaannada inay xiliga fasaxa ay kasii shaqeeyaan amniga.

Xirtaankii kalfadhigii baarlamaanka Soomaaliya oo ay soo xaadireen 153 mudane ayaa waxaa shir-guddoomiyaya guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada kulammada ka maqan inay yimaadaan marka 06-da bisha Maarso ee sannadkan oo uu dib u furmayaan kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Fasaxa xidhibaannadu ayaa qaadanaya laba bilood, isagoo ah kii ugu horreeyay oo ay xildhibaannada baarlamaanku galaan, waxaana fadhigii koowaad ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dalka, golaah wasiirrada iyagoo sidoo kale ku doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/7/2013 11:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan cusub ee 2013 oo ay maalmihii u danbeeyey ka doodayeen.

1/7/2013 10:58 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Jaamacad cusub oo loogu magic-daray Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu furay Muqdisho, iyadoo xarunta Jaamacadan laga dhigay dugsigii hoose/dhexe ee Muuse Galaal oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.

1/7/2013 9:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray hoggaanka xarakada Al-shabaab oo ahaa: in ay dhowaan ku dhaqanka shareecada ka hirgelin doonaan Puntland.

1/7/2013 9:30 AM EST
Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay lasii shaqeynayso hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo u dabbaal-degtay shalay sannadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii hay’adda nabadsugidda Soomaaliya.

1/7/2013 9:16 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeeshay shir ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarka ay ciidamada dowladdu sameeyeen, iyadoo shirkii maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

1/7/2013 8:43 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay khilaafkii soo kala dhexmaray shirkadaha jaadka iyo wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku wuxuu tilmaamay waxyaalaha ay shirkadaha jaadka ka biyo diideen oo uu xusay in cashuurtii ay bixin jireen waxyar loogu kordhiyey iyo xaga sarifka lacagaha oo qiimo hoose laga qaadi jiray oo iyana wax lagu kordhiyey, taas laba ka mid ah shirkadaha qaad diideen inay fuliyaan go’aankaasi, waxaanay taasi keentay in jaadkoodii kontorabaaniyaan, isla markaana uu ka dhasho khasaare soo gaadhay ciidanka booliska iyo shirkada qaadka laftoodaba.

1/7/2013 7:14 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar Bambaano ku qaaday xarun ku taal xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

1/7/2013 5:32 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa dalbaday in si dhaqso ah looga soo saaro xaafadda Soomaalidu degto ee Islii saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Kenya ee howgallada kawada xaafaddaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay geystaan xadgudubyo iyo dhac.

1/7/2013 4:57 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Xubnaha sarsare xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada siyaasdeed ee dalka ka jira ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyagoo dhawaan xafiis ka sameystay degmada Baydhabo ee xaruna gobolkaas.

1/7/2013 1:55 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo aad u tira badan ayaa saaka lagu soo daayiyay magaalada Boosaaso. Meelaha ay ciidamadu sida aadka ah u joogaan waxaa kamid ah suuqa, jidka madaxtooyada aada, jidka garoonka iyo xaafadaha (Laanta-hawada) iyo (Xaafatul-carab). Labadan xaafadood oo ay ku yaallaan inta badan xarumaha dowladda iyo kuwa hay'adaha caalamiga ah.

1/7/2013 1:17 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) ayaa sheegay inuu billowday qorshe lagu mideynayo guud ahaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in kulan u socday Ahlusunna iyo Galmudug maanta oo Isniin ah lasoo gabagabeynayo.

1/7/2013 1:12 AM EST
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inuu si fiican u socdaan howlgalka lagu adkaynayo amniga magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howgallada lagu sugayo ammaanka ay si wadajir ah u fulinayaan habeen iyo maalin booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.