4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Ciidammo fara badan oo saakay la dhoobay Xaafadaha iyo Jidadka Waaweyn ee Magaalo Xeebeedda Boosaaso

Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Ciidammo aad u tira badan ayaa saaka lagu soo daayiyay magaalada Boosaaso. Meelaha ay ciidamadu sida aadka ah u joogaan waxaa kamid ah suuqa, jidka madaxtooyada aada, jidka garoonka iyo xaafadaha (Laanta-hawada) iyo (Xaafatul-carab). Labadan xaafadood oo ay ku yaallaan inta badan xarumaha dowladda iyo kuwa hay'adaha caalamiga ah.

Ciidamada ayaa la arki karaa iyagoo taagan jidadka hareerahooda iyo jidadka yaryar ee xaafadaha dhex-mara, iyadoo aysan jirin wax baaritaanno ah oo ay wadaan ama ay sameynayaan iyo weliba cid ay xireen.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa habeennadii lasoo dhaafay ka dhacay iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo aan la garanayn cid ay ka amar-qaataan.

Dhinaca kale, hadal-haynta ugu weyn ee dadka ayaa ah waxa la fili karo berri oo ku beegan afar sano ka hor markii la doortay madaxweynaha xilka haya Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Faroole, inkastoo madaxweynuhu uu sheegay inuu hal sano oo dheeri ah xilka haynayo.

Gobolka Mudug oo ka mid ah meelaha sida weyn looga mucaaradsan yahay Faroole iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa ka imanaya warar sheegaya inay jiraan ciidan-beeleedyo isku uruursanaya duleedka magaalada Gaalkacyo.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse waxaa jira cabsi weyn oo ay dadku qabaan, iyadoo madaxweyne Faroole uu sheegay in dastuurka Puntland uu u ogolaanayo inuu shan sano maamulka hayo, inkastoo xisbiyada mucaaradka ah ay aad uga soo horjeedaan arrintaas.

Puntland oo la dhisay sannadkii 1998-kii ayaa waxaa soo maray dagaallo dhowr ah oo u dhexeeya mas'uuliyiin xilka isku haya, inkastoo ay sannadihii dambe ahayd meel deggen oo madaxda hoggaanka u tartanta ay ku kala baxayeen doorashooyin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya