4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Dalka Kenya oo ay ka dhaceen Saddexda Maalmood ee Sannadkan 2013 ugu horreeya shilal ay ku dhinteen dad badan

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof ayaa ku dhintay shilal kala duwan oo ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo laba ka mid ah ay ka dhaceen gobolka Galbeedka Kenya ku yaalla ee Rift Valley kaddib markii ay wadayaasha gaadiidkaas oo ahaa basaska loo yaqaan matatuuga ay lumiyeen koontaroolka gaadiidka.

Shilkii ugu dambeeyay oo ka dhacay duleedka magaalada Nakuru ayaa waxaa ku dhintay 20-qof, toddoba qof oo kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen, kaddib markii baskii ay la socdeen dadkaas oo Matatu ahaa uu ka faniinay jidkii uu ku socday uuna ku dhacay meel biyo degeen ah.

Sidoo kale 11-qof ayaa ku dhintay shil isaguna ka dhacay isla gobolka Rift Valley kaddib markii bas Matatu ah oo kasoo ambabaxay magaalada Nakuru kuna socday Eldoret uu shil culus galay, iyadoo shilkaas ay si xun ugu dhaawacmeen laba qof oo rakaabka ka mid ah.

Baska ay ku dhinteen 20-ka qof ayaa la sheegay in loogu talogalay inuu qaado 14 qof oo keliya, balse ay la socdeen 27 qof, taasoo xadgudub ku ah sharciga dalka Kenya sida ay ku andacoonayaan saraakiisha booliiska Kenya oo eedeynta shilalka dusha uga tuuray dadka oo aan iskala hadlayn wadayaasha iyo wadayaasha oo aan si miyir-qabta u wadayn gaadiidka.



"Inta badan rakaabkii baska la socday way dhinteen markii uu shilku dhacay, waayo gaarigu isagoo xowli ku socda ayuu ka dhacay jidka wuxuuna ku dhacay bohol weyn oo ay biyo ku jireen," ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay booliiska Kenya.

Sarkaalka ayaa sheegay in shilalkan ay yihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Kenya xitaa sannadkii hore, isagoo ugu baaqay wadayaasha gadiidka inaysan qamri cabin marka ay gaadiidka wadayaan sidoo kalena ay ka digtoonaadaan inay jabiyaan sharciyada lagu soo rogatay gaadiidka Kenya si shilalka loo yareeyo.

Baska ka dhacay jidka ayaa dadka ku dhintay waxay isugu jireen 10-rag ah, laba dumar ah iyo sideed caruur ah, sida uu sheegay taliyaha booliiska gobolka Rift Valley, John Mbijiwe oo la hadlay saxaafadda.

Dhanka kale, shil ka dhacay bariga dalka Kenya ayaa waxaa isagana ku dhintay sagaal qof kaddib markii gaarigii waday uu si lama filaan ah u rogmaday, waxaana tani ay ka dhigaysaa shilalka ka dhacay dalka Kenya saddexda maalmood ee ugu horreeyay sannadkan kuwii ugu xumaa ee dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya