4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2013
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo rajo ka muujiyay inuu taageero ka heli doonno Shirka Dowladaha Afrika

Axad, Jannaayo 27, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed faarax oo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirka midawga Afrika, ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu taageero iyo tobabaro uga helo Suxufiyiinta Somaliland dawladaha Afrikaanka ah iyo dumlamaasiyiinta waddamada deeqbixiyayaasha ah ee ka qayb galay shirkaas.

“Shirkani wuxuu muhiimad noogu leeyahay urur ahaan ololaha aanu dhexdiisa ugaga jirno inaanu fursado uga helo cid naga caawisa waxbarashada iyo tobobarada weriyayaasha reer Somaliland  oo mudadaa sanadka iyo dheeraadka ah ee aanu xilka hogaanka Solja haynay aanu waynay cid naga caawisa afartameeyo weriye oo jaamacada Hargaysa qorshuhu ahaa inay ku bartaan xirfada saxaafada ee masaafada fog, “Distance learning’ oo jaamacad Maraykan ahi bixinayso casharadda iyo kharashka labaatan weriye  oo aanu filaynay in loo dirno dalka Kenya ee aynu jaarka nahay oo  aanu kala xidhiidhnay shirkada caalimaga ah ee Maxamed Foundation”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee SOLJA oo ka hadlayey ujeedada uu shirka midowga Afrika uga qaybgalay.

Mar uu ka hadlayey rajadda uu ka qabo in arrimaha uu u socda u hirgali doonto waxa uu yidhi “maadaama oo xadhiga weriyayaasha Somaliland uu aad u sii kordhay labadadii sano ee u danbeeyay waxaanu isku hawlaynay sidii aanu u heli lahayn  cid weriyayaasha Somaliland ka taageerta dhinaca kharashka looyarada iyo kharashka sii dayntooda weriyayaasha gaar ahaan kuwa gobolada si  xuquuqdooda Loo difaaco.

Dhamaan baahiyahaas taageeridooda UN-ta iyo deeq bixyayaashaba wakhti hore  ayaanu ka codsanay oo weli  waxba noogama hirgalin xitaa qolyahoodii balan qaadyada noo sameeyay oo aanan ilaa hada garan Karin waxa xanibay amaba hor is taagay. Balse, arrimahaas waxaan rajo wayn ka qabnaa inaanu fursad uga heli karo dawladaha Afrikaanka ah ee madaxdoodu shirkan kasoo qayb galayso”.

Sidoo kale, waxa uu xoghayuhu u mahadnaqayaa ururka Suxufiyiinta ee AFrika ee magacoodda la yidhaa Journalists for African Renaissance (JAR), kaas oo ururka SOLJA u sahlay inay shirkaasi ka qaybgalaan.

Si kastaba ha ahaatee,URURKA SOLJA ayaa dadaal ugu jira sidii loo taageeri lahaa suxufiyiinta Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland