4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta iska fogeeyay in ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu ka tirsanaa shaqaalahooda, iyadoo maamulku uu sheegay in ruuxaas uu ka mid ahaa darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa afhayeenka maamulka gobolka, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa lagu sheegay in ruuxan oo lagu magacaabo, Tahliil C/llaahi Nuurre loosoo dhiibay miino loogu talogalay in lagu rakibo xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

"Markii aan baaris ku sameynay ruuxaan oo saxaafaddu ay ku sheegtay inuu ka mid ahaa shaqaalaha dowladda hoose ee gobolka Banaadir, waxaa caddaatay inuusan ka mid ahayn; laakiin uu ahaa darawal ka mid ha darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
 
Afhayeenka maamulka gobolka ayaa ku yiri warsaxaafadeedkiisa: "Maamulku wuxuu si cad u sheegayaa in Tahaliil Cabdullaahi Nuurre oo ah qofka miinada loosoo dhiibay uusan ka ka mid ahayn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo kuwa gobolka Banaadir."

Ruuxa la sheegay inuu qorsheynayay inuu miinada ku rakibo xarunta gobolka ayaa la qabtay, wuxuuna sheegay inuu u soo dhiibay miinaas adeerkiis, inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin adeerka uu sheegay in miinada loosoo dhiibay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la isku dayo in la dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Tarsan oo howlo badan oo horumarineed ka sameeyay gobolka Banaadir tan iyo markii xilkan loo magacaabay dhowr sano ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya