4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Madaxweynaha Mareykanka oo shaaciyay inay Taageero aad u kooban ay ka geysteen Howlgalkii deegaanka Buulo-Mareer

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in taageero kooban ay ku siiyeen ciidamadii Faransiiska ahaa ee howgalka ka sameeyay deegaanka Buulo-mareer oo lagu haystay sarkaal Faransiis ah oo la doonayay in la furto inkastoo uu howlgalkaas fashilmay.

Obama ayaa sheegay in kumaandooska Faransiiska ay ka caawiyeen sida ay howlgalka u sameynayaan iyo talooyin, isagoo xusay in diyaarad ay leeyihiin ay la socotay diyaaradihii tagay Buulo-mareer.

“Ujeeddada diyaaraddeennu ma ahayn inay dagaalka ka qaybgasho, balse waxay ahayd inay caawinaad kooban u sameyso diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska si howlgalka milateri u guuleysto,” ayuu yiri Obama oo la hadlay golaha senetka Mareykanka.

Sidoo kale, Obama wuxuu sheegay in arrintaas ay u sameeyeen dalab kaga yimid dowladda Faransiiska, isagoo sheegay in diyaaraddoodu ay muddo kooban ku jirtay hawada Soomaaliya si ay ammaanka ciidamada howgalka sameynaya u ilaaliso.

Howlgalka oo noqday mid guul-darreystay ayaa waxaa lagu dilay laba askari oo Faransiis ah sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, sidoo kalena waxaa ku dhintay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee afduub ahaanta loo haystay oo la sheegtay inay toogteen dagaalyahannadii gacanta ku hayay intii howgalku socday.

Dowladda Faransiiska ayaa qiratay in howlgalkaas ay ku guul-darreysatay, waxaana howlgalkan si adag u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa howgalkan aan lagu soo wargelin oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya