3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in Soomaaliya ay Sannadkii hore 2012 ku Tallaabsatay Guulo la Taaban karo
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn oo la taaban karo gaartay sannadkii hore 2012 isagoo xusay in xafiiskiisa uu si kama dambeys ah ugu guuri doono Muqdisho.

Danjire Mahiga wuxuu caalamka ka dalbaday in Soomaaliya ay caawiyaan, isagoo xusay in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay waddadii horumarinta, xisilloodnida iyo nabadda isagoo sheegay in guulahaas lagu gaaray iyadoo wadajir loo fuliyay howlihii looga baxayay xilligii KMG ahaa.

"Guulaha la gaaray waxaa ka mida ah in bishii Ogoosto ee sannadkii lasoo dhaafay lagu tallaabsaday arrin taariikhi ah, taasoo ahayd in la dhaariyay baarlamaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato muddo 20-sano ah kaddib," ayuu yiri Mahiga oo intaas ku daray in guul kale ay ahayd in baarlamaanku uu soo doorto madaxweyne dalka hoggaamiya.

Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab laga soo hooyay guulo la taaban karo, isagoo xusay in dhul badan laga saaray sannadkii hore, kuwasoo uu sheegay in hay'adaha samafalka loo diiday inay ka howlgalaan, balse ay maanta fursad u haystaan hay'aduhu inay tagaan dadka ku caawiyaan.

"Dowladaha gobolka waxaan uga mahadcelinayaa sida naf-hurnimada ah ee ay ugu saacideen ciidamadooda inay tagaan Soomaaliya si ay qayb uga qaatana howsha lagu nabadeynayo dalka ay dagaalladu la degeen," ayuu Mahiga hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Mahiga wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah in xafiisyadooda ay gudaha dalka u wareejiyaan, isagoo xusay in isagu uu toddobaadyada soo socda si rasmi ah uu ugu guuri doono Muqdisho.

Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNPOS ayaa wuxuu dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd colaadaha dabada-dheeraaday, iyadoo xafiiskan oo uu madax ka yahay danjire Mahiga uu si dhowr ula shaqeeyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
1/1/2013 9:13 PM EST
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Sannadkii la soo dhaafay ee 2012. Waxaa idiin soo diyaariyey Hiiraan Online iyo Bartamaha.com

1/1/2013 8:27 PM EST
Mogadishu, Somalia,Janaayo,02 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

1/1/2013 12:43 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Illaa afar askari ayaa ku dhintay, 25 kalana way ku dhaawacmeyn shil baabuur oo ka dhacay galabta duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

1/1/2013 12:30 PM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya oo ay rabshado ka jireen sannadkii hore 2012 ayaa waxay noqdeen dalalkii lagu dilay suxufiyiintii ugu badnayd caalamka, iyadoo guud ahaan caalamka lagu dilay 121 suxufi, sida ay sheegtay hay’adda isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ oo saldhiggeedu yahay xarunta dalka Belgium ee Brussels.

1/1/2013 11:38 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UGUB oo kamid ahaa ururadii ay guddiga doorashooyinka ee Puntland ku reebeen wareegga 1-aad ee diiwaan gelinta ayaa sheegay in qaab aan sharci ahayn lagu reebay.

1/1/2013 7:09 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto madaxweyne ku dhaqangaliyey Miisaaniyaddaa sanadkan 2013- taasoo dorraad iyadoo aan laga doodin duuduub u ansixiyeen golaha Wakiiladdu.

1/1/2013 6:57 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaer ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Buzdag oo la hadlayay wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in Turkiga uu barbar taagnaado, isagoo intaa ku daray in shacabku ay aad ugu farxayaan markii ay arkaan diyaarad uu leeyahay Turkiga oo gargaar bani'aadamnimo u sidda.

1/1/2013 6:55 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii sagaalaad oo uu dalka uga baxo tan iyo markii u loo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qaybgali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

1/1/2013 5:05 AM EST
Talaado, Jannaayo, 01, 2013 (HOL) – Mudo sanad ku dhan ayaa laga joogaan waqtigii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo xiligaa gacan militari ka hellayay kuwa dowladda Itoobiya, iyaga oo si buuxda u hantiyay gacan ku heynta magaalada 01-Jannaayo sanadkii 2012 ee ina dhaafay.

1/1/2013 4:15 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo

1/1/2013 3:16 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Israsaaseyn xooggan ayaa xalay gudaha magaalada kismaayo ku dhexmartay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya.

1/1/2013 2:54 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay oday dhaqameed siweyn looga yaqaan magaalada Kismaayo, iyadoona aan la garanayn ilaa imika sababta ka danbeeysa dilka loo geystay nabadoonkaasi.

1/1/2013 1:25 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Sannadkii hore ee 2012 waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka dhacy dhacdooyin kala duwan oo isugu jiray kuwo murugo reebay iyo kuwo farxadeed, iyadoo sannadkii hore la dilay 18 wariye oo ka howlgalayay warbaahinta dalka, kuwaasoo intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho.

1/1/2013 1:18 AM EST
Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Iyadoo ay shalay ku ekeyd muddadii ay horay guddiga doorashooyinka ee Puntland ugu qabteen furashada ururada siyaasadda, ayaa waxaa si rasmi ah loo shaaciyey ururada buuxiyey shuruudihii diiwaan gelinta ee uu guddigu aqoonsaday.

1/1/2013 12:36 AM EST
Heesta Sannadka Cusub ee 2013: Maxamed S. Tubeed - Waan heesayaayee, Sannad waliba hoodiyo howl iyo dhibaatiyo wuxuu hadimo leeyahay....