4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Is-rasaaseyn xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Israsaaseyn xooggan ayaa xalay gudaha magaalada kismaayo ku dhexmartay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya.

Israsaaseyntani ayaa ka danbeeysay kadib markii xalay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar bambaano ah ku qaadeen guri ku yaal xaafadda farjanno gaar ahaan waaxda suuqa-yaasiin, kaasoo la sheegay in ay daganaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni.

Weerarka bambaano kadib ayay halkaasi israsaaseyn xooggan ku dhexmartay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo Raaskaambooni oo halkaasi ku sugnaa.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Farjanno oo ahayd halka uu weerarka ka dhacay ayaa HOL u sheegay in israsaaseynta ay socotay qadar daqiiqado ah, waxaana kooxihii weerarka fuliyay u suurogashay in ay goobta ka baxsadaan.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jiran masuuliyiin katirsan maamulka KMG ee magaalada Kismaayo iyo xoogagga Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay.

Weerarkan xoogagga Al-shabaab ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay mudooyinkii ugu danbeeyay dhaqdhaqaaqyo xooggan ka wadeen deegaanada ku yaal waqooyi iyo galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya