4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Oday dhaqameed lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay oday dhaqameed siweyn looga yaqaan magaalada Kismaayo, iyadoona aan la garanayn ilaa imika sababta ka danbeeysa dilka loo geystay nabadoonkaasi.

Nabadoonka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Nabadoon C/laahi ayay kooxahani toogteen xilli uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, waxaana kooxaha dilka geystay ay durbaba isaga baxsadeen goobta.

Nabadoonka la dilay oo kasoo jeeda beesha Cawrmale ayaan ilaa imika la garanayn cidda ka danbeeysa dilkiisa iyo weliba sababta rasmiga ah ee loo dilay, haseyeeshee, nabadoonka ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa odoyaal dhaqameed maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka ee ka socdo degmada Kismaayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa howlgallo ka sameeyay xaafadda shaqaalaha ee uu dilka ka dhacay, wallow aysan jirin cid ilaa imika loo qabtay dilka nabadoonka.

Dilka loo geystay marxuumkani ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan kooxo Hubeysan ay magaalada Kismaayo ku toogteen nabadoon Ismaaciil Max’ed Nuur (Qalinle), kaasoo u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaastii ay ku dhufteen kooxahaasi.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay u muuqday mid faraha kasii baxayo, iyadoona ay isa soo tarayaan dilalka qorsheysan ee gudaha magaalada loogu geysanayo odoyaal dhaqameedyada, waxaana masuuliyiinta maamulka KMG ee degmada Kismaayo ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan falalka amni darro ee ka dhaca gudaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya