3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadahaa Soomaaliya oo ka warbixiyay in ka badan boqol kun oo dollar oo la xaday

Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay lacago dhawaan laga xaday xafiis ay leedahay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.

Jen. Gaafoow ayaa sheegay in lacag dhan 110,000 oo doollarka Mareykanka ah la dhacay taasoo loogu talo-galay in lagu dayactiro xafiis hoggaanku ku leeyahay degmada Shibis ee gobolka Banaadir oo hadda uu ku socdo dib u dayactir.

“Lacagta keliya ma ahayn waxa la xaday, balse waxaa la qaatay qalab uu lahaa hoggaanka socdaalka oo isna la qaatay, waxayna u badan tahay inay dhacaas geysteen dad wax kala socda howlaha hoggaanka socdaalka,” ayuu yiri Jen. Gaafoow oo beeniyay in xubno ka tirsan xafiiskiisa ay dhacaas ku lug leeyihiin.

Sidoo kale, Jen. Gaafoow wuxuu sheegay in lacagta la dhacay ay ahayd lacago ay iska soo ururiyeen dad Soomaaliyeed oo jecel in dayactir lagu sameeyo laamaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in dhacaas marna aanu hakad gelin doonin howlaha lagu dayactirayo xafiiska socdaalka uu ku leeyahay Muqdisho.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn, wariyeyaashii uu shirka jaraa’id u qabtay soo tusay xafiiska waaxda socdaalka ee uu dayactirku ka socday kaasoo lagu dayactirayay lacagta la sheegay in la xaday.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan raadad cad oo sheegaya kooxihii ka dambeeyay dhacaas, ayna dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/28/2013 12:17 PM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Baydhabo ku nool curyaamiin tiradadood gaareyso 500 oo qof oo cid taakuleysaa aysan jirin, waxaana soo food saartay daryeel xumo iyo caafimaad dari aad u daran,

2/28/2013 12:07 PM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay si nabadgalyo ah kula wareegay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa weli ku sugan halkaas iyadoo aysan ka dhicin wax dagaallo ah.

2/28/2013 11:41 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino laga dhagaystay wasiirro kasoo noqday safarro shaqo ugu maqnaa dibadda dalka, ansixinta tariifo KMG ah oo lagu qaadayo canshuuraha iyo ammaanka.

2/28/2013 8:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) —Dawladda Turkiga, ayaa dhagax dhigtay mashruuc biyo soo saar oo ay ka hirgalinayso magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

2/28/2013 8:28 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay dhallinyarada ka tirsan kooxaha burcadbadeedda Soomaalida haddii ay ka tanaasulaan fikirka ku saleysan rabshadaha xeebaha Soomaaliya.

2/28/2013 8:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Dagaal inta la og-yahay ay laba qof ku dhinteen ayaa ciidmada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose.

2/28/2013 7:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal iskugu jira kuwo cusub iyo qaar dib u habayn lagu sameeyey oo ku yaalla xarunta madaxtooyadda Somaliland.

2/28/2013 7:24 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah kula qaatay villa Somalia 60-garsorayaal oo ka kala socday maxkamadda sare, maxkamadda dhexe iyo maxkamadda gobolka Banaadir. Kulankaas oo looga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka oo qayb ka ah lixda tiir siyaasadeed ee dowladdu ay ku shaqeynayso.

2/28/2013 5:55 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) —Shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoona madasha shirka ay ku suganyihiin ku dhawaad 800 oo ergo oo ka kala socota gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

2/28/2013 3:32 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Suxufiyiinta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa shalay ku yeeshay xarunta idaacadda Radio Gaalkacyo kulan ay uga hadleen xeerka saxaafadda ee ay dhawaan soo bandhigtay dowladda Soomaaliya, kaasoo ay kaga soo horjeesteen qodobbo ka mid ah xeerkaas.

2/28/2013 3:12 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa kaga qaybgalay shir looga hadlayay isgaarsiinta caalamiga ah oo magaalada Barcelona ee dalka Spain ka dhacay 25-kii illaa 27-kii bshan Feberaayo, iyadoo shirkaas ay joogeen madax wasiirro iyo mas’uuliyiin ka socday ha’yado caalami ah sida: ITU, ATU iyo GSMA.

2/28/2013 1:09 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal deegaanka Ow-diinle ee gobolka Bay ku dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shababa, iyadoo sidoo kalena guddoomiye xaafadeed lagu dilay Baydhabo.

2/28/2013 1:08 AM EST
Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay ayay kaga hadashay doorashooyinka Kenya ka dhacaya bisha soo socota horraanteeda iyo weliba isbedelka siyaasadeed ee dalkaas uu galayo.