4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Dagaal ka dhacay duleedka degmada Xudur iyo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Buur-hakabo

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xudur iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno lagu kala magacaabo: Faraq iyo Abag-beedey.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii ciidamada dowladda ay weerarro ku qaadeen deegaannadaas oo ay ku suganaayeen xoogagga Al-shabaab, waxaana la sheegayaa in dhaawacyadu aad uga badan yihiin dhimashada dagaalka ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay, inkastoo xoogaggii Al-shabaab ee laga saarayna aysan halkaas ka fogay, lana filan karo inay dagaallo kale dhexmaraan.

Xarunta gobolka Bakool ee Xudur ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo caawinaya la wareegeen sannadkii hore, iyadoo tan iyo xilligaas ay Al-shabaab ku sugnaayeen daafaha degmada, iyagoo degmadaas ka dhigay meel go’doon ka ah Soomaaliya inteeda kale.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaliyeed oo iskaashanaya ayaa kusoo dhawaanaya degmada Buur-hakabo waxayna u jiraan caawa in ka yar 3-km, iyadoo maanta ay ka dhaceen deegaannada u dhaxeeya Leega iyo Buur-hakabo dagaal gaadmo ah oo ay soo qaadday Al-shabaab iyadoo la sheegay inay labada dhinac soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawac.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu arkayay maanta dad kasoo barakacay degmada Buurhakaba oo soo gaaraya degmadaas, kuwaas oo u badnaa haween iyo caruur.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta sheegay in ay geli doonaan degmada Buur-haka oo 187-km dhinaca Waqooyi-galbeed ka xigta Muqdisho saacadaha soo socda, iyadoo Al-shabaab ayna degmadaas isaga baxeen shalay oo Isniin ahayd.

Hiiraan Online, Baydhabo