3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Maamulka Boocame oo Sheegay in Deegaankooda ay ka Tallaabeen Kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku wajahnaa Galgala

Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxo la rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab oo ka yimid dhinaca koonfurta dalku ay degmadaas ka gudbeen iyaga oo ku wajahan dhinaca buuraleyda Galgala.

Duqa degmada Boocame Axmed Xasan Shire Xayle oo xilligan magaalada Garoowe ku sugan, ayaa arintan ku sheegay waraysi uu shalay siiyey mid kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Puntland.

Mudane Xayle ayaa tilmaamay in dhulka miyiga ah ee degaanka Boocame hoos taga ay todobaadyadii lasoo dhaafay ka gudbeen kooxo ka tirsan Al-shabaab, balse isu soo ekeysiiyey jamaacada Tabliiqa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waa niman ka tirsan Al-shabaabka koonfur kasoo jabay, muddo ayey meesha marayeen, markaas tabliiq ahaan bay anaga nagu dhaafi jireen, kadibna markii aan ogaaney ayey naga go'een" duqa degmada Boocame ayaa yiri.

Mar la weydiiyey waxa uu ku cadeyn karo in dadka halkaas maray ay ka tirsan yihiin Alshabaab, wuxuu yiri: "isuma eka dadku waa dad gubtey oo aad garneysid inay koonfur kasoo jabeen, laakiin nimanka tabliiqa ahi waa dad nool, marka sidaasaan u garan karnaa"

Ugu danbeyntii wuxuu duqa degmada Boocame sheegay in ay arintan ku wargeliyeen madaxda sare ee maamulka Puntland, islamarkaana ay xiligan jiraan ciidamo halkaas loo geeyey si ay dhaqdhaqaaqa deegaanadaas ka jira ula socdaan.

Dowladda Puntland ayaa dhowr mar oo hore ka dhawaajisay in dhulka Buuraleyda ah ee ku hareeraysan degamda Galgala oo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, ay soo gareen saraakiil iyo dagaalyahanno kale oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo kasoo kicitimay dhianca koonfurta.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
2/26/2013 3:33 PM EST
Talaado, Tuesday, February 26, 2013 (HOL) - Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay markii la qoray far-Soomaaliga sanaddii 1972-dii ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

2/26/2013 2:02 PM EST
Talaado, February 26, 2013(HOL): Kaddib dhowr iyo labaatan sano oo colaado iyo dagaallo ay ka socdeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan faneed la mid ah midkii Heesaha Hirgalay, kaasi oo hal-ku-dhiggiisu yahay Hirgeli Hammigaaga Faneed oo ay ka qeybgaleen fannaaniin badan oo hibo faneed leh.

2/26/2013 12:35 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Britain ee dalka Soomaaliya, Matt Baugh oo booqasho gaaban ku tagay xarunta Puntland.

2/26/2013 12:34 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay safarkiisaas, isagoo sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaas uusan geysan wax dhibaato ah oo weyn.

2/26/2013 12:33 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed, saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

2/26/2013 12:13 PM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xudur iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno lagu kala magacaabo: Faraq iyo Abag-beedey.

2/26/2013 10:43 AM EST
Talaado, Febraayo,26, 2013 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici’ ayaa 87 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawladda oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

2/26/2013 10:04 AM EST
Talaado, February 26, 2013(HOL): Qofna waxbarasho kama duqoobo, cilmigana qofka waa baran karaa markaa uu dhasho illaa uu ka dhinto, sida qur’aamka kariimka ah ku cadna ma eka qof wax bartay iyo qof aanan waxba baran.

2/26/2013 9:04 AM EST
Talaado, February 26, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenkii, ahaana wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji Aadan ayaa soo gaaray magaalada Nairobi, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagula beegsaday magaalada Dhuusamareeb 1-dii bishii May 2012.

2/26/2013 8:47 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Muqdisho warqadahooda aqoonsiga danjirinimo u gudbiyay madaxweeynaha Soomaaliya ilaa shan danjire oo ka socotay qaar katirsan wadamada reer Yurub, kadib 21 sano oo dalka Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad rasmi ah.

2/26/2013 6:57 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano hoostaga degmada Buurhakaba oo ay dhawaan soo gaareen ciidamada isgarabsanaya kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab ee mudada dheer ka arimin jiray.

2/26/2013 2:53 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay jidka u galay gaari ay dad rikaab ahi la socdeen oo ka baxay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kuna sii jeedey degmada Gal-dogob.

2/26/2013 2:51 AM EST
Talaado, Feberaayo 26, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay xalay guddoomiyihii deegaanka Buusaar ee dowladda Soomaaliya iyo ku xigeenkiisii, kaddib markii ay ugu dhaceen guryo ay ka deggenaayeen deegaankaas.